Home Afsomali Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha somalia oo la sheegay in shirqool siyaasadeed lagu...

Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha somalia oo la sheegay in shirqool siyaasadeed lagu dili rabo

Hay’adda NISA: Madaxda Qaranka waxa aan siinay Warbixin ku saabsan khatar ka dhan ah Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha!

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ay heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

NISA ayaa sheegtay in ay ku daba-joogto macluumaadkaan ah in gacantooda soo gashay warbixin muujineysa qorshe khatar ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah idlaaday ee Farmaajo.

Qorshahaan waxa ay NISA Dusha ka saartay Al-Shabaab, waxa ay tilmaamtay in uu fulinta howshaan wado Nin ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Maahir balse Hay’addu masoo bandhigin xogtiisa oo dhammeystiran.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay Barta NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.