Home Afsomali Hoobiyeyaal lagu weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia ee jooga Gudaha...

Hoobiyeyaal lagu weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia ee jooga Gudaha Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ee katirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Buurhakaba oo katirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Itoobiya, balse aysan cadeyn karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, isla markaana lagu dilay laba kamid ah Askarta Itoobiya Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Itoobiya dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga si caadi ah u Shaqeeynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.