Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa manta kulan Magaalladda Muqdisho kula yeeshay Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyadda Dalka Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha dowladda Dhexe iyo Madaxweynayaasha Dowlad, gobolleedyadda ayaa ahaa kii ugu horeeyay waxaan diirada lagu saaray wada shaqeyn dhexmarta dowladda dhexe iyo maamulladda Gobolladda, iyo sidoo kale talaabooyinka la filaayo in horay loo qaado.
Shirka waxaa ka maqnaa Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Jubaland, waxaana kulanka goob-joog ka ahaa madaxweynayaasha Maamul gobolleedyadda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa tan iyo intii la doortay waxaa uu kulamo la yeelanayay Danjirayaasha, duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiin, waxaana kulamadaasi gabi ahaan looga hadlayay wada shaqeyn in ay hesho dowladda dhexe ee dhawaan galka ah.
Todobaadkan ayaa waxaa la filayaa in madaxweynaha uu xafiiska si rasmi ah ula wareego.