Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil xalay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud loogu geystay Nin Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka kunool degmadaas, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay baxsadeen.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa Allaha u Naxariistee dilay Wiilka Dhalinyarad ah oo lagu Magacaabi jiray Maxmed dardaar xilli uu marayay barxada siiga dheere ee Magaalada Cabudwaaq, waxaana dilkaas la sheegay in uu salka ku haayo dilal aanooyin qabiil ah oo habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada.
Waa habeenkii Saddexaad oo xiriir ah oo Magaalada Cabudwaaq lagu dilo dad rayid ah, iyada oo Madaxda Maamulka Galmudug ay ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo ka baxsan Maamulka Galmudug.