.
Wariyayaal iyo dad kale oo loo Xirxirey shaqaaqadii ka dhacday jeelka weyn ee Magaalada hargeysa
Duhurnimadii maanta ayaa Saldhiga weyn ee Magaalada Hargeysa waxaa ka dhaxdhacay israsaaseyn u dhaxeysay Ciidanka Asluubta iyo maxaabiista ku xiran Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Xabsiga Magaalada Hargeysa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan qaar ka mid ah Maxaabiista Xabsiga ku xiran ay gadood sameeyeen.
Ciidamo Boolis ah oo aad u farabadna ayaa la dhigay waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay u dhawaadaan.
Weli wax war ah kama soo saarin Mas’uuliyiinta goobta gaaray oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliland.
Dhanka kale waxaa xabsi loo taxaabay qaar ka mid ah Wariyaasha ka hawlgala Magaalada Hargeysa oo soo tabinayay wararka ku saabsan shaqaaqada ka dhacy gudaha Xabsiga, wariyaasha maanta la xiray ayaa gaaraya illaa toban wariye oo qaar kood u shaqeeya warbaahinnada Caalamka.
Wariyaashaan maanta la xiray ayaa ku hawlanaa soo tabinta shaqaaqada ka dhacday Xabsiga Wey nee Magaalada Hargeysa, sagaalka wariye ee la xiray ayaa kala ah:
- Maxamed illig oo ah milkiilaha iyo agaasimaha MM Tv oo ah Tv ka hawlgala Magaalada Hargeysa.
- Xasan Galaydh oo ah Wariyaha uga soo warama BBC-da Magaalada Hargeysa.
- Sagal Mustafa oo u shaqeysa laanta afka Soomaaliga ee VOA.
- Axmed Maxamuud Yuusuf oo ah wariye ka hawl gala Saab Tv.
- Niciima Cabdi Axmedoo ka hawlgasha warbaahinta Carodeg Media.
- Caydaruus Maxamed oo u shaqeeya Goobjoog Tv.
- Axmed Shimaali oo ka tirsan HCTV
- Maxamed Faan oo ka hawlagala MM Tv
- Axmed Samaraawi oo ka tirsan Bulsho Tv
- Xamse Xirsi Xayd
Warar kale ayaa sheegaya in Ciidanka dharcadda ay gudaha u galeyn xarunta HCTV ee magaalada Hargeysa, Mukhtaar Mursal Xiin oo ka mid ah hawl wadeenada telefishankaas oo ku sugan xarunta Ciidanka ay galeen ayaa yiri “Hadda Ayay Ciidamo dharcad ahi gudaha u soo galeen xarunta Warbaahineed ee TV’ga Hctv. 3 Wariye iyo 3 farsamayaqaan oo qaar hortayda lagu jidh dilay. Qalab ayay ka qaateen xarunta. Xataa Data’dii CC Camerada. Waanu idinlasoo wadaagi xogtanoo dhamaystiran. sadex saxafi”
Weli rasaas ayaa laga maqlayaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland halkaas oo la sheegay inay ku dagaalamayaan Ciidamada ilaalada ka haya Xabsiga iyo qaar kamid ah Maxaabiista, in kastoo aan weli la faah faahin sida uu ku billowday dagaalka ayaa waxaa Xabsiga lagu soo kordhiyay Ciidamo isugu jira Booliska iyo Millateri.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray Wariye Maxamed Ilig oo ah Milkiilaha Mm Somalia tv iyo Wariye Hassan Galeydh oo Bbc-da usoo waramaya iyo Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf oo ka howlgalla Saab TV xilli ay doonayeen inay Bulshada u tabiyaan xaaladdaha kajira Xabsiga Hargeysa.
Xaaad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyo Goobaha ku dhow dhow, waxaana lagu arkayaa Ciidamo Millateri ah oo wata Gaadiidka Gaashaaman.