Qaramada Midoobay oo $100 milyan u fasaxday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ay ka jirto gaajo iyo macluul daran.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay 100 milyan oo dollar kasoo saartay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, si ay u caawiso malaayiinta wajahaya gaajo daran, kuwaas oo ku nool dalalka South Sudan, Soomaaliya, Sudan, Nigeria, Kenya, Ethiopia iyo Yemen.
Malaayiin ku nool toddobadaas waddan ayaan quudin karin naftooda iyo qoysaskooda sababo la xiriira iska horimaadyada hubaysan, abaarta, iyo qalalaasaha dhaqaale ee uu uga sii daray COVID-19.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadaninimada ayaa sidoo kale sheegay in saameynta dagaalka Ukraine ay khatar ku tahay in malaayiin qof ay u sii dhawaadaan macluul.
Afhayeenka OCHA Jens Laerke ayaa VOA u sheegay in Yemen, Koofurta Suudaan, iyo Soomaaliya ay mar horeba ku jireen waxa Qaramada Midoobay ugu yeertay wejiga shanaad ee musiibada xaalad degdeg ah gaajo iyo macaluul.
“Wadamada kale ee Nigeria, Sudan, iyo Kenya iyo sidoo kale sidoo Itoobiya waxa aanu haynaa malaayiin dad ah oo hal tallaabo u jira marxaladdan masiibada ah” ayuu yiri Jens Laerke.
Laerke ayaa intaa ku daray in hay’adaha Qaramada Midoobay ay rajeynayaan in deeq-bixiyeyaashu ay fahmaan xaaladda dalalkan soo food saartay oo ay gacan ka geystaan howlgalkooda bani’aadaminimo.
Soomaaliya ayaa abaar aad u daran ku dhufutay Goballada qaar ee Dalka, xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu Magacaabay Guddiga gurmadka Abaaraha oo ka kooban Golaha Wasiirada iyo qaar ka mid ah Bulshada Rayidka, guddigaan ayaa qeylo dhaan dunida u diray ayaga oo ka codsaday in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay.