Maxkamadda sare ee dalka oo la horgeeyay dacwad uu guddiga doorashada heer federaal ka gudbiyay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goordhaw soo saartay go’aan meesha ka saaraya dacwadaasi.
Dacwada uu Fahad Yaasiin u gudbiyay maxkamadda sare ayaa la dhageestay, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ka dalbadeen maxkamadda sare ee dalka in kiiskaasi meesha ka saarto maadaama uu yahay mid siyaasadeed oon maxkamadda shaqo ku laheyn.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf oo farmaajo soo magacaabay loona heystay in uu kiiska dhanka mucaaradka u riixi doono aya iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee laalay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo horey ugu guuleestay Fahad Yaasiin.
Maxkammadda sare ayaa aqbashay is hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.