Home Afsomali Afartan iyo lix nin iyo haweeneey oo la hakiyey in cirbad sun...

Afartan iyo lix nin iyo haweeneey oo la hakiyey in cirbad sun ah lagu dilo iyo sababta

Barasaabka gobolka Tennessee ee dalka Maraykanka Bill Lee, ayaa hakiyay dhammaan xukunnada dilka ah inta sannadka ka harsan ka dib markii uu shaaca ka qaaday in gobolku ku guul-darraystay inuu si sax ah u hubiyo dawooyinka loo adeegsado dadka la dilayo.

Mr Lee, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis madax bannaan (oo uu sameeyay qareen hore oo Mareykan ah, oo la yirahdo Ed Standon) lagu baarayo kiimikooyinka la isku duro ee dilaaga ah iyo habka maamulkoodaba.

Afartan iyo lix nin iyo haweeneey ayaa hadda xukun dil ah loogu xukumay gobolka Tennessee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.