Waxaa maanta farxad iyo sharaf ii ah in ku dhowaad muddo afar sano ah aan galabta oo jimco ah lasoo qaxweyney aniga iyo ustaad Bilaal Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ahaa Murashaxii madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ee sanadkii 2018 ay magaalada Baydhabo kasoo afduubeen kooxdii uu hogaaminayey madaxweynihii hore DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waana maalin weyn oo taariikhi ah kana tarjumeysa inaan ka baxney mugdigii oo aan u baxney dhanka iftiinka iyo cadaalada, sidaas dataadeed waxaan ku kalsoonahay in madaxweynaha dhowaan la doortey mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mudnaanta koowaad siin doono siideynta iyo xorriyad siinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali marka uu xilka xafiiska la wareego, iyadoo horeyba ay dadka Soomaaliyeed u ogaayeen mowqifka uu madaxweynuhu ka taagan yahay afduubka Sheekh Mukhtaar Roobow.
Waxaana si hordhac ah ugu mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee aan kusoo wada jirney halgankii dheeraa ee aan ku diidney dulmiga iyo dulleysiga laga kacey dadka reer Koonfur Galbeed, maadaama aan joogno dhamaadka wadadii dheereyd ee aan soo haayney afartii sano ee lasoo dhaafey.