Home Afsomali Haweeney Afar Cunug oo mataano ah maalmo kala duwan dhashay !!

Haweeney Afar Cunug oo mataano ah maalmo kala duwan dhashay !!

Haweeneyd 29-sanno jir ah oo u dhalatay dalka Croatia ayaa dhashay afar cunug oo mataano ah, waxaana arrinta layaabka leh oon badanaa la arag noqotay in haweeneydan afarta cunug midbo maalin gooni ah dhashay.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaana ku tilmaamay arrin mucjiso rabaani ah in caruur mataano ah midbo maalin dhasho, waxaana dhacdooyinka nuucan ah 10-kii sannaba la sheegay in hal mar oo dhif iyo naadir ah la arko.

Haweeneyda 29-sanno jir ah oo diiday in warbaahinta kasoo muuqato ayaa dhashay saddex wiil iyo hal gabar, waxaana xaalada caafimaad ee haweeneydaasi iyo caruurteeda lagula tacaalayaa xarun caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.