Home Afsomali Somaliland oo XAbsiga dhigtay Milkiilaha Maqaayad uu xalay ku shaah cabay Musharax...

Somaliland oo XAbsiga dhigtay Milkiilaha Maqaayad uu xalay ku shaah cabay Musharax Cirro

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay milkiilaha maqaayada SIMA ee kutaala magaalada Hargeysa , kadib markii halkaasi tageen kana shaah cabeen Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin kale.

Maqaayada SIMA waxaa ku shaahay waqtina kula qaatay taageerayaashiisa Musharax Cabdiraxmaan Cirro, musharaxa oo maqaayada dhaxdeeda kula hadlay warbaahinta ayaana dhaliil u jeediyay maamulka Madaxweyne Biixi uu ku tilmaamay doorasho diid.

Ciidamada booliiska Somalilanda ayaana tagay maqaayada SIMA wax yar kadib markii ay ka tageen hoggaanka xisbiga Waddani, waxa ayna booliiska halkaasi ka xireen milkiilaha maqaayada oo lagu magacaabo Axmed Sayid Haybe Nuur .

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ayaan darro ku tilmaamay in la xiray milkiilaha maqaayada SIMA uu xusay in xalay ku shaaheen waqtina kula qaateen bulshada.

“Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.