Telefeshinka ku hadla Afka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in 10 qof ay dhinteen, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen Shil Tareen oo aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah, ka dhacay bariga dalkaasi Iiraan.
Wararka ayaa intaas ku daray in khasaarahan uu ka dhashay Saddex tareen oo jidkoodi ka leexday inta u dhaxaysa magaalooyinka Mashhad iyo Yasdi ee bariga dalkaas Iiraan.
Kooxaha gurmadka ee ambalaasyada iyo saddex diyaaradood oo helicopter ah ayaa gaaray Goobta uu shilka ka dhacay, iyaga oo ka qaaday meydadka iyo dadka dhaawacmay.
Saraakiisha dowladda Iiraan ayaan weli ka hadlin shilkaas, hayeeshee waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda faah faahin ka bixin doonaan.