Home Afsomali Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud...

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

??

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah.

Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.

Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin doono magaalada Siyeelo oo ay u dhow yihiin beeraha qaadka lagu beero.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dal ku galka loo fududeeyn doono Soomaalida Imaneysa Kenya.

Qaadka oo markii hore laga dhoofin jiray garoonka Wilson ee magaalda Nairobi ayaa waxaa hadda ka dib laga dhoofin doonaa garoonka Isiolo oo u dhaw deegaannada uu ka baxa qaadka.

Soomaaliya ayaan ilaa haatan ka hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.