Home Afsomali Bannaanbaxyo ka dhacay Magaalooyin katirsan Mareykanka

Bannaanbaxyo ka dhacay Magaalooyin katirsan Mareykanka

Kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay ugu baaqaan in la adkeeyo sharciga hubka ka dib toogasho wadareed bishii hore ka dhacday gobolka Texas.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in la joogo waqtigii la tusi lahaa siyaasiyiinta in dadka Maraykanku ay dalbanayaan oo ay mudan yihiin inay ku noolaadaan nolal xor ka ah rabshadaha iyo dhibaatooyiinka hubka la xiriira. Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay inta badan magaalooyiinka waawayn ee dalka Mareykanka.

Magaalooyiinka ay dibadbaxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah Washington, New York, Los Angeles iyo magaalada Chicago.

Waxaa dadka dibadbaxa dhigayay ka mid aha dad ay eheladooda ku dhinteen toogashooyiin horey uga dhacay dalka Mareykanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.