Home Afsomali Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo

Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay ku dileen kid kamid ah Nabaddoonnada ugu caansanaa Gobolka Mudug, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jirya Nabaddoon Cabdiqani Xassan Waloore, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay Masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Goobta lagu dilay Nabaddoon Cabdiqani ayaa waxaa horay loogu dilay Aabihiis Xasan Waloore, waxaana goobta gaaray qaar kamid ah ehellada Nabaddoonka, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydkiisa.

Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland oo sidoo kale goobta gaaray ayaa sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan, waxaana weli dilkaasi ka hadlin laamaha Amniga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.