Ciidamada Isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka ee Daacish. kaddib weerar habeen hore ka dhacay Waqooyiga dalka Siiriya.
Wuxuu ahaa nin “khibrad u leh samaynta bambooyinka iyo fududeynta howlgallada”, ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Isbaheysiga.
Saraakiisha ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ninkaas lagu magacaabo Hani Axmed Al-Kurdi.
Koox kormeer ah ayaa sheegtay in ciidamada labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah lagu geeyay magaalada Al-Humayra, oo ku dhow xudduud Turkiga ee gobolka Xalab ee mucaaradka ay maamulaan.
Toddobo daqiiqo ayuu socday iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dad ku sugnaa gudaha tuulada ka hor inta aysan duulin diyaaradaha qumaatiga u kaca, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska.
Waxay intaas ku dartay inay markii dambe ka degeen saldhig ku yaalla gobolka Kobane ee bariga gobolka Xalab, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada ah ee uu Turkigu taageero.