Home Afsomali Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah

Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah

Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa  xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.

Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka  Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.

Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay  soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.

“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.

Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.

Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo  si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.