Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta la kulmay Ururka dhalinyarada Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhalinyarada ay soo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan Caafimadka, Ciyaaraha, Farsamada gacanta iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Degmada Dhoobley.
Madaxweynaha Jubaland ayaa u sheegay dhalinyarada in Maamulka uu waqti badan ku bixinayo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada, qayb weyna ay uga noqon lahaayeen xafiisyada maamul ee Maamulka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay dhalinyarada in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen bulshadooda, sidoo kalena ay qayb weyn ka qaataan horumarka deegaanka ka socda.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamada sii wadi doona, waxaana la filayaa in uu kulamo kala duean la qaato Ururada Haweenka iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.