Home Afsomali Wadaad aad u necbaa Yahuuda oo ku geeriyooday xabsi ku yaal dalka...

Wadaad aad u necbaa Yahuuda oo ku geeriyooday xabsi ku yaal dalka mareykanka oo madaxaa ha ku furto ku ahaa

 

 

 

Sheekh Cumar C/raxmaan oo ku dhintay xabsi Maraykanka ku yaalla

Wadaadka oo lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay tiro weerarro bambooyin ah oo la qorsheeyey in lagu qaado New York horraantii sagaashameeyadii ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Maraykanka, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Sheekh Cumar Cabdiraxmaan wuxuu ahaa wadaad indha la’ oo wacdi ka jeediya masaajid ku yaalla New York, waxaana 1996 lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu riday xukun ah inuu weerarro qorsheeyey.

Waxaa la sheegay inuu maleegay tiro weerarro ah, oo bartilmaameedkoodu ahaa goobo caan ah oo ku yaalla New York, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu Maraykanka ka joojiyo inuu taageero Israa’iil iyo Masar.

Waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii dhiirri galisay qaraxii xarunta ganacsiga adduunka , laakinse laguma helin inuu ku lug lahaa weerarka.

Xaakimkii dacwadiisa qaadayey wuxuu sheegay in haddii qorshayaashiisu ay fuli lahaayeen, ay kumanaan qof dhiman lahaayeen.

Geerida Shiikha waxaa Qaahira kaga dhawaaqay qoyskiisa.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.