Home Afsomali Muxuu Yahay Ujeedka Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Ee Gaaray Uganda

Muxuu Yahay Ujeedka Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Ee Gaaray Uganda

 

Wafdigan uu hogaaminaayo Wasiirka difaaca XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehiyaan taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Gacaliye ayaa gaarey magaalada kampalla e caasimadda Dalka Uganda.

Wafdiga ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan madaxda iyo taliska ciidanka dowladda Uganda, iyadoo qorshuhu yahay Inta ay ku suganyihiin kampala in ay la kulmaan Wasiirka difaaca dalka Uganda iyo taliyaha ciidamada dalkaas.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Intebbe kusoo dhaweeyay madax ka socotay Wasaaradda gaashaandhiga dalka Uganda iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Dowladda Uganda ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidanka xoogga dalkeena Soomaaliya, iyadoo kumanaan ciidanka xoogga ka mid ah tababaro ku qaateen gudaha Dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.