Home Afsomali Xabbad Joojin Ka Dhaqan Gashay Qasa Ka Dib Saddex Maalmood Oo Ay...

Xabbad Joojin Ka Dhaqan Gashay Qasa Ka Dib Saddex Maalmood Oo Ay Socdeen Duqaymo

 

Xabbad joojin u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay ka dib saddex maalmood oo ay socdeen duqaymo ay ku dhinteen ugu yaraan 43 qof.

Mitidiinta Islamic Jihad  ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xabbad joojintu bilaaban doonto 23:30 wakhtiga maxaliga ah ka dib wadahadal ay ka shaqaysay Masar.

Xafiiska Ra’isal wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa xaqiijiyay xabad joojintaasi in ay jirto.

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa ah kii ugu cuslaa ee u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta Qasa tan iyo dagaalkii socday 11 maalmood bishii May 2021.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay duqaymo ku hayaan bartilmaameedyada Islamic Jihad ee Qasa  iyadoo xabad joojintan ay dhaqangashay waxaanay sheegeen in ay ka falcelinayeen gantaallo la soo tuuray wax yar ka hor, warbaahinta Israel ayaa daqiiqado ka dib sheegtay in qaar ka mid ah gantaalladaas laga soo riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.