Home Afsomali Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Maanta guddi Magacaabay (Wareegto)

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Maanta guddi Magacaabay (Wareegto)

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta Magacaabay guddi heer Wasiiro ah oo gurmad gaarsiiya dadka ay Al-Shabaab ka gubeen tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraa, isla markaana ka duugeen ceelasha iyo barkadaha isticmaali jireen.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban lix Wasiir, kuwaas oo loogu talo galay qiimeynta iyo u gurmashada dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weeraradii Al-Shabaab, waxaana Magacyada guddiga ay kala yihiin.

1: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdiraxmaan Daahir Guure Guddoomiye

2: Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxman Kheyre Guddoomiye kuxigeen

3: Wasiirka boostada, Isgaarsinta iyo TIknoologiyada Hir-Shabeelle Cabdifataax Xassan Faarax Xoghayaha guddiga

4: Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Muuse Salaad Wehliye Xubin

5  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Hir-Shabeelle Faysal Axmed Xasan Xubin

6: Wasiirka Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada  Zakariye Maxamed Axmed Xubin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.