Home Afsomali Eedeymihii u horeeyay ee ‘ku shubasho’ oo ka soo baxaya doorashada Kenya

Eedeymihii u horeeyay ee ‘ku shubasho’ oo ka soo baxaya doorashada Kenya

Isagoo aan wax caddayn ah bixin, ayaa xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya waxa uu sheegay in doorashada lagu shubtay, taasoo sii kicisay walaaca shacabka Kenya Jimcihii, iyadoo warbaahintu ay si weyn u soo taboneyso tirada kala horreynta codbixinta aan rasmi ahayn,

Kaliya guddiga doorashada ayaa awood u leh in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay, balse tirada ay warbaahintu sameysay ayaa loo arkayay in ay gaashaanka u daruurtay eedeymaha musuq-maasuqa ah ee horay u dhaliyay rabshado.

Kenya oo ah dalka ugu qanisan, uguna xasiloonida badan Bariga Afrika, ayaa sidoo kale leh taariikh muranno gacan ka hadal ah oo la xiriira doorashada. In ka badan 1,200 oo qof ayaa la dilay kadib doorashadii 2007 iyo in ka badan 100 kadib doorashadii 2017.

Loolanka ku saabsan cidda xilka kala wareegeysa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wax uu u dhexeeya madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo siyaasiga ruug caddaaga ah ee mucaaradka ugu weyn Raila Odinga oo taageero weyn ka heysta madaxweyne Kenyatta.

Tirada aan rasmiga aheyn ee saxaafadda ayaa tilmaameysa inay labadan musharrax aad iskugu dhow yihiin, inkasta oo labaduba wax yar ka hooseeyaan 50%, iyada oo in kayar boqolkiiba hal ay ku kala horreeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.