Home Afsomali Xafladii Caleemo Saarka Farmaajo oo soo idlaatay iyo 124 dalka Ergadooda oo...

Xafladii Caleemo Saarka Farmaajo oo soo idlaatay iyo 124 dalka Ergadooda oo ka qeybgalay ( DAAWO SAWIRADA )

 

 

Munaasabadan lagu maamuusayay caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha labada gole ee shacabka iyo Aqalka sare, sidoo kale Guddoomiye ku-xigeeenada labada aqal, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti, Kenya, Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Sudan Ra’iiul wasaaraha Ethiopia, wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah, ayna soo dhaweynayaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalka, iyagoo balan qaaday inay la shaqey doonaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku talaabsatay nidaamka dimoqraadiyadda oo ay ku guuleysteen in ay xilka si nabad gelyo ah isugu wareejiyaan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ka qeyb galka xafladda caleema saarka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya, waxaana uu Madaxweyneyaashii hore ee dalka uga mahadceliyay sida ay xilalka isugu kala wareegeen.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay dowladdii hore. Wuxuu sheegay inay kaalin muhiim ah ka qaateen hirgelintii doorashadii dalka ka dhacday.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay abaal weyn u hayso dowladaha caalamka ee caawiyay dalka iyo dib u dhiskiisa.

Qodobada uu ka hadlay madaxweyne Farmaajo

“Waxaa sharaf noo ah in maanta halkan ay fadhiyaan madaxweynayaashii iga horeeyay ee aan soo wada shaqeynay. Muuqaalkan wuxuu dhidibada u aasay dimuquraadiyada Soomaaliya ka hanaqaaday xilligii ay xoriyadda qaadatay”, ayuu yiri Farmaajo.

“Waxaan shacabka u cadeynayaa in waxa la qaban karo ay koobnaan doonaan, maadaama itaalka iyo dhaqaalaha dowladda aysan xooganeyn”.

“Dhibaatooyiinka jira waxay soo taagaanaayeen 26-sano oo colaad iyo abaaro ah. in ka badan 20 sano oo kale ayaan u baahan nahay si aan u soo kabsano.”

“Caqabada ugu waaweyn waxaa ka mid ah, amni xumo, abaaraha, dhameystirka dib u heshiisiinta, dib u soo celinta kalsoonida shacabka, yareynta faqriga, kobcinta dhaqaalaha, jiheynta muqurqa dhallinyarada, xoojinta dowladda, xoojinta federaalka, iyo xoojinta xiriirka arrimaha dibadda.

“Waxaan hubin doonaa in ciidammaneeda geesiyada ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda, iyo xarumo”

“AMISOM ciidammada nagala jooga, howl wanaagsan ayey qabteen. Waxay naf iyo maalba u hureen Soomaaliya”.

“Hadda waxaan u baahannahay inaan muddo kooban ku dhaqan gelino dhisidda ciidammadeena dalka”.

“Waxaa dalka aafeeyay abaaro dad iyo duunyaba baabi’iyay. Dhibaatada muuqata waa mid xanuun badan”.

“Way soo noqnoqdeen abaaraha. Xukuumadda oo kaashaneysa khubaro waxaan la imaan doonnaa istiraatiijiyad cad wax oo looga qabanayo abaarta soo noqnoqotay”.

“Dib u heshiisiinta waa geeddi socod mar hore soo bilowday. waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ah kala qobqobnaanta Soomaalida wada dhalatay”.

“Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo. Waxaan si cad wax uga qaban doonaa colaadaha Soomaaliya dacaladeeda ka taagan.”

“Waxaan sii wadeynaa wadahadallada Somaliland lala lahaa si aan uga mira dhalino”.

“Dowladdeena waxay dib u eegis ku sameyndoonaan nidaamka cadaaladda. Waxaan hormuud ka noqon doonaa in sharciga loo sinnaado”.

“Waa in la soo celiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda. Waa in dowladdu ay noqotaa mid u adeegta oo aan iyadu ka adeegan shacabka. mid u turta shacabka, oo aan ku tuman.”

“Shacabka waxaan ka rabnaa inay na taageeraan, waxaan ka rabnaa inay amniga naga taageeraan, waxaan ka rabnaa inay canshuurta bixiyaan”.

“Cadowgeena labaad waa faqri. Taasi waxay keentay inay dhallinyarada u baxsadaan Yurub. Kuwa badan waxay ku dhammaadeen badaha, kuwa badanna xabsi ayey ku jiraan, kuwa badanna waxaa marrin habaabiyay kooxaha xagjirka ah”.

“Waxaa taabagelin doonnaa barnaamijka dowladdii iga horeysay ee shaqa abuurista, qorshahaasi wuxuu cadeynayaa hormarinta dhaqaalaha iyo shaqasiinta dhallinyarada”.

“Waxaa qeyb ka ah taabagelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan hubin doonnaa in arrintaas ay ka turjunto baahida dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada”.

“Waxaan xoojindoonnaa xiriirka dowladda kala dhexeeya maamul goboleedyada. Si gaar ah waxaan dowlad goboleedyada isaga kaashan doonnaa dhaqaalaha, amniga, iyo cadaaladda”.

“Dowladeenu waxay la imaan doontaa siyaasad arrimo dibadeed oo laba arrimood u taagan oo kala ah is kaashi iyo ixtiraam”.

“Is kaashi ganacsi ayaan la yeelan doonnaa dowladaha kale, waxaan sameyn doonnaa wakaalad qaabilsan maalgashiga dibadda si loo helo dalal Soomaaliya maalgashada”.

“Waxaan dalalka aan deriska ah kula dhaqmi doonnaa ixtiraamka ay naga mudan yihiin oo ah inaanaan arrimahooda gudaha faragelin. ayaguna intaas in la eg ayaan ka fileynaa”.

Wuxuu Alshabaab kula dardaarmay “Umadda Soomaaliyeed ma hor istaagi kartaan. waxaan idiin sheegayaa in Soomaali ay isku duuban tahay, waxaan idiin sheegeynaa in maanta laga billaabo aydaan dhibaateyn dadka Soomaaliyeed”.

“Kuwa u shaqeeya Al-Qaacida iyo Daacish, waxaan idiin sheegeynaa in laga soo gudbay waqtigii dadka ay qeybsanayeen.

Fursad ayaad haysataan ee dadkiina ku soo biira, diyaar waxaan u nahay inaan idiin ku soo dhaweyno gacmo furan. haddii aad diidaan, Soomaali oo dhan kama hor tagi kartaan”.

“Waxaan ku shaqeyndoonnaa amaanada naloo dhiibto. Musuq ayay caalamku nagu barteen. Sanadkii la soo dhaafay waxaan noqonay dowladda ugu hooseysa”.

“Waxaan dooneynaa inaan noqono dowladda koobaad ee caalamka ee musuqmaasuq uusan ka jirin”.

Khudbadaha kale

Waxaa munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay madax ka kala socotay 124 dal.

Madaxdaasi waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya, ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Keating oo ah wakiilka gaaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay si wada jir ah ula shaqeynayaan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wuxuu ka codsaday inuu dhiso dowladda wax ka qaban karta dhibaatooyiinka dalka Soomaaliya haysta si dalka uu cagahiisa ugu istaago.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa madaxweyne farmaajo weydiistay inuu qaado masuuliyad wanaagsan oo uu ku wajahayo dhibaatooyinka taagan.

Wuxuu u mahadceliyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inuu yahay hogaamiye wax badan ku guuleystay.

“Waxaan dadaal geliyay inaan gacan ka geysano amniga, markaad ra’iisalwasaaraha ahayd waxaad naga caawisay inaan Xamar ka xoreyno Al-Shabaab”, ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

“Waxaad soo celisay rajada dadka iyo in la helo dowladd wanaagsan”. ayuu sii raaciyay

“AMISOM dhinacaaga ayey taagan tahay wayna ku taageereysaa, madaxweyne”, ayuu hadalkiisa ku soo qatimay, Danjire Francisco Madeira

Waxaa caleemosaarka madaxweyne Farmaajo ku sugan wakiillo ka kala socda 124 dal.

 

Danjire Khaliil Ibraahim oo ah wakiilka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda heshay madaxweyne ay ku mideysan tahay.

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay dalalka ay dagaallada ka taagan yihiin, Afrika iyo caalamkaba

“Waxaan filaayaa in guushaada ay Soomaaliya u horseedda nabad iyo barwaaqo”, ayuu yiri.

“Waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo inaan garab istaagno dowladda cusub ee Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto. Waxaa naga dhexeeya Soomaaliya dano isku mid ah sida amniga iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri, Hailemariam Desalegn.

Wakiilka Midowga Yurub Alexander Rondos ayaa sheegay in Yurub ay dooneyso in Soomaaliya ay gaarto maalin ay caawiso dalalka Yurub iyo dunida inteeda kale.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, wuxuu amaanay guusha ay ku dhammaatay doorashaddii Soomaaliya iyo sida nabadda ah ee xilka ay isugu wareejiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh maxamuud.

“Maamulkeyga si dhow ayuu ula shaqeeyay dowladda federeelka ee Soomaaliya. maanta waxaan cadeynayaa inaan sii wadeyno dhisidda Soomaaliya”.

“Waxaan xoojineynaa meesha aan u baahannahay inaan ka wada shaqeyno”.

“Dadka wax badan ayey kaa filayaan, gudaha iyo dibaddaba, waana hubaa inaad ka dhabeyn doonto arrintaasi”.

Uhuru kenyatta ayaa sheegay “in guud ahaan gobolka oo dhan ay caqabado haystaan, ayna u baahan yihiin inay si wada jir ah uga shaqeyndoonaan caqabadahaasi”.

“Kenya waxaa ka go’an in la helo gobol barwaaqo ah oo nabad ah, waxaan diyaar u nahay inaan ballaarino taageerada aan siineyno maamulka cusub ee Soomaaliya”, ayuu yiri kenyatta.

 

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muujisay inay meel wanaagsan gaartay, maadaama wakiillo badan ay ka qeybgaleen xafladda caleemo saarka.

“Madaxweynaha cusub si gaar ah ayaan ugu muujineynaa galgacal iyo wada shaqeyn, waxaan la garab taagannahay muruq iyo maal intaba”, ayuu yiri Gelle.

“Waxaan jecelnahay in Soomaaliya ay soo ceshato cisigeeda iyo sharafteeda”.

“Waa inaad sidii lagugu yaqaanay u shaqeyso, waa inaad muujiso kalsoonida dadka ay kugu qabaan”.

“Garab siiya madaxweynaha, tusa inaad caawineysaan oo hareerihiisa joogtaan. Soomaaliya maanta waxyar ma horyaallaan, nolosha malaayiin qof ayaa halis ku jirta”, ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiya Stephen Schwartz ayaa sheegay sida doorashada ay u dhacday iyo sida xilka la isugu wareejiyay inay muujinayaan hormarka Soomaaliya ay ku socoto.

“Waxaan halkan u joogaa inaan xaqiijiyo sida dowladda mareykanka ay diyaar ugu tahay inay la shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya”, ayuu yiri Stephen Schwartz.

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Dr. C. Kani Torun, ayaa sheegay inay hubaan in Soomaaliya ay ku socoto inay noqoto hogaamiyaha gobolka geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu sii wadayo taageerada horumarinta Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in “Fursad weyn ayey ii tahay inaan maanta meeshaan aan taagnaado oo ka hambalyeeyo guusha Soomaaliya ay gaartay. Waxaan sidoo kale u hambalyeynaayaa Xasan Sheekh Maxamuud oo si nabad ah xilka ku wareejiyay.

“Marxalad cusub ayaan galeynaa marka dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda laga fiiriyo, anigu waxaan diyaar u ahay inaan kula shaqeeyo”, ayuu yiri.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay “Waxaan nahay dalkii ugu horeeyay ee dimuquraadiyadda ku dhaqmo ee Afrika”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xilka Farmaajo ugu wareejiyo sidii aniga Sheekh Shariif uu iigu wareejiyay sanadkii 2012-kii”.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray: “Waxa meeshaan ka dhacay waa howl wadajir loosoo qabtay oo lagu soo dadaalay. Waa in si guud loo taageero madaxweyne farmaajo”.

“Soomaaliyada aan tiigsaneyno meel ugama bannaana cambaareyn, cayn iyo dhibaateyn dowladda iyo hay’adeheeda”.

“Qof aad la dagaashay aawadeed ha u xumeyn wejiga qurxoon ee Soomaaliya. Ka muuji dalka waxa wanaagsan ee ka jiro”.

“Mucaarada iyo is qabqabsi waxba kuma soo kordhinayaan dalka Soomaaliaya”, ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Caalamka dowlad wanaagsan nooma dhisi karo. Wanaagga iyo dhismaha dalka waxay dusha ka saaran tahay dadka Soomaalida iyo dowladeeda. Waa inaan is kaashanaa” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka codsaday dowladda cusub in ay “Joogteyso ayna xoojiso wixii qabsoomay, sii wadidda wixii qabsoomay, iyo ka dhabeynta rajada cusub”.

Waxaa la filayaa inay ka qeybgalaan wakiillo ka kala socdo iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, Qaramada Midoobeey iyo Midowga Yurub.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.