Home Afsomali Mareykanka oo soo farageliyay khaafka Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka

Mareykanka oo soo farageliyay khaafka Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka

 

Wafdiga ka socda dowladda Mareykanka ee isugu jira Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidan ee dhawaan yimid Magaalada Hargeysa  ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan inay dhammeeyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka.

Mas’uuliyiinta Xisbiga ayaa Maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyaga oo kala hadlayay sidii loo dejin lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

War kasoo baxay hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani oo kulanka lagu faah faahiyay  ayaa lagu sheegay inay wafdiga ka socda dowladda Mareykanka kala hadleen qodobo ay kamid yihiin.

1. Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.

2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda gudaha ee aannu ku qaybsannahay.

3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaaro xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkeena.

Wafdiga siyaasiyiinta iyo Saraakiisha isugu jira ee ka socda dowladda Mareykanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Somaliland & Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Somaliland, iyaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa xiisadda u dhaxeeysa Xukuumadda iyo mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.