Waxaa Maanta Khabuuraha Halleeya ee magaalada Hargeysa lagu Aasay Saddex kamid ah dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii rabashadaha watay ee looga soo horjeeday xukuumadda Somalailand, kuwaas oo todobaadkii hore Xisbiyada mucaaradka kas ameeyeen Magalada hargeysa e degaannada Somaliland.
Xisbiga WADDANI oo kamid a xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Aaska u sameeyay Saddexda dhalinyarada ahaa ee banaanbaxa ugu dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada Somaliland , kadib markii Xukuumadda Somaliland ay ogolaatay inay bixnineyso magta dadkaas.
Aaka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xisbiyada mucaaradka Somaliland, taageerayashooda, Ehellada dhalinyarada dhintay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Hargeysa.
Musharraxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro & Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa qoyskooda iyo saaxiibadood uga tacsiyadeeyay dhalinyaradii ku dhintay bannaanbaxyadii dhacay, iyaga oo Alle uga baryay in uu alle Naxariistii jano ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay aheyd wax aad looga xumaado wixii ka dhacay magaalada Hareysa iyo guud ahaan Somaliland xilligii ay socdeen bannaanbaxyada, isla markaana ay dib uga hadli doonaan.
Todobaadkii hore ayaa banaanaxyo ay soo abaabulaan Xisbiyada mucaaradka Somaliland loogana soo horjeeday Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu doonayo muddo kororsi, waxaana bannaanbaxyada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.