Home Afsomali Faah Faahin: Mid Kamid Ah Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Oo La...

Faah Faahin: Mid Kamid Ah Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Oo La Dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho  gaar ahaan Isgoyska Sanca ku dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dad la hadlay Idaacad somslisan  ayaa u sheegay in Ninka ay dabley hubeysan oo watay bastoolado ay ku dileen Isgoyska Sanca, xilli uu halkaas ku sugnaa, isla markaana waxaa uu u dhintay dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka la dilay ee kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamuud, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Ganacsatada Jaadka ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka dib u soo laabtay ee Soomaaliya iyo Kenya iyo Jaadka Miiraa xayiraadda laga qaado, qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta somalisan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xayiraadda laga qaaday Jaadka dalka Kenya.

Xaliimo Yuusuf oo kamid haweenka waqtiga dheer ka ganacsayey Jaadka Miiraa ayaa sheegtay in tani ay fursad ganacsi u tahay ganacsatada Jaadka ee Soomaaliya oo dhan maadaama dadka isticmaala ay aad u jecel yihiin nuucan laakiin waxa ay sheegtay in marka loo eego canshuurta ay dowladdu ka qaado ay tahay culeys ku soo kordhay ganacsatada.

Iyada oo ka walaacsan canshuurta ay ku sheegtay xad-dhaaf ee la duldhigay jaadka ayey u sheegtay warbaahinta  ‘‘dhowr meel ayaa hadda canshuur na looga qaadaa, waan ku wareenay, lacag badan ayaa nalagu siiyaa marka aan soo qaadaneyno sidaas oo ay tahay lacag yar ayaa ku iibinaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.