Home Afsomali Dil Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Afgooye Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Dil Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Afgooye Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

A soldier of the Somali National Army (SNA) at Jazeera Training Camp in Mogadishu. He was part of a group of SNA soldiers who completed training in military intelligence and the Non-Commissioned Officers’ course on 25 March 2015. AMISOM Photo / Raymond Baguma

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.

Qof la hadlay idacada somalisan ayaa u sheegay in dilka loo geystay wiilka uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran kooban dhex-maray Askariga iyo wiilka dilka kahor, isla markaana muranka oo dheeraaday, kadib uu rasaas Askariga ku furay wiilka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda uu wiilka dhallinyarada ugu tegay Goob Ceel biyood oo uu ka shaqeynayey, waxaana Askariga la tilmaamay inuu rasaas ku furay wiilka oo durbadii goobta ku geeriyooday.

Askariga falkaas geystay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, wiilka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Looyan Dhagajun, isagoona shaqaale  ka ahaa Ceel biyood ku yaalla gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilliyada qaarkood dilal bareer ah u geysta dadka shacabka ah ee aan waxba ka galabsan, waxaana marar kala duwan sidaan oo kale Askar ka tirsan dowladda ay u dileen wiilal dhallinyaro ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.