Home Afsomali Dagaal iyo Qaraxyo wali ka socda gudaha hoteelka Xayaat

Dagaal iyo Qaraxyo wali ka socda gudaha hoteelka Xayaat

Rasaas goos-goos ah ayaa weliga laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyada oo ciidamada ammaanka ay weli dagaal kula jira kooxdii Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaadday hotelkaas ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkan, halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac kasoo gaaray, iyada oo laga soo badbaadiyay tiro kale.

Ciidanka sida gaar ah u tababaran ayaa wali ku howlan la tacaalida kooxdii weerartay hoteelka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.