Home Afsomali Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray degmada Matabaan

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray degmada Matabaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.