Home Afsomali Somaliland oo kulan isugu yeertay Hay’adaha ka howlgalla degaannadeeda

Somaliland oo kulan isugu yeertay Hay’adaha ka howlgalla degaannadeeda

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Gudoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan xubnaha guddiga ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgalla degaannada Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee abaarta jirta sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha gurmadka abaarta, waxaana kulanlkaasi la iskula qaatay in la sii libin laabo gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaartu saamaysay iyo in meel looga soo wada jeedo arrimaha la xiriira gurmadka abaaraha

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ka dalbaday Hay’adaha hoostaag Qaramada midoobay iany doorkooda ugu weyn ka qaataan sidii loog grman lahaa dadka ay abaartu ku saameysay degaannada Somaliland.

Degaannada Somaliland ayaa dadka kunool waxaa ay kamid yihiin kuwa ay xilligaan sida weyn u saameeysay abaarta, waxaana aysan helin gudaha dalka iyo dibadiisaba gurmadkii loo baahnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.