Home Afsomali Muuqaal kale iyo Farqiga u dhaxeeyo magacaabista  Gudoomiyeyaashii  shalay iyo kuwa manta...

Muuqaal kale iyo Farqiga u dhaxeeyo magacaabista  Gudoomiyeyaashii  shalay iyo kuwa manta ee Gobolka Banaadir faalo saameynteeda leh

Saaxiibada aan jecel nahowku soo dhawaada Farqiga u dhaxeeyo magacaabista  Gudoomiyeyaashii  shalay iyo kuwa manta ee Gobolka Banaadir faalo saameynteeda leh waxaan wada ogsoon nahay in manta gobolka banaadir aan magacaabi karin nin  aheyn beesha Mudulood

Waa Muuqaal kale oo ah Arimo Taariikhi ah oo ku saabsan gudoomiyeyshii soo maray abid Maamulka Gobolka Bnaadir

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa arimo badan sida waqtiyadii ay Nodeen qabaailada ay ka soo kala jeedaan

Sidoo kale waxaan ku eegi doonaa magacyadooda oo dhameystiran Iyo kale

Aan ku bilownee

Gudoomiyayaashii soo marey gobolka banaadir wixii ka horeeyey burburkii dowladii dhexe somaliya iyo qabaa-ilada ay ka soo kale jeedeen

1953 gudoomiyihii gobolka banadir waxaa loo magacaabay Cali Cumar Sheegow oo ka soo jeeday beesha tuni gamaas .

1957kii waxaa Noqday gudoomiyihii gobolka banadir keenidiid Axmed oo ka soo jeeday beesha ajuuraan

1958 kii gudoomiyihii gobolka banadir Cumar warsame  kaariye oo ka soo jeeday beesha ma jeerteen

Taasi oo soo afjartay Xiligii uu dalka ka tallinayey gumeystihii talyaaniga Xornimadii ka hor .

waad ku mahadsan daawashadiina sharafta ee noo shere gareya si fariintaan ay meelo badan u gaarto naguma soo biir si aad u heshid waxbixinada aan soo bandhigno

1960 kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday Cumar Xasan Maxamuud oo ka soo jeday beesha habargidir

1965 kii gudoomiyihii gobolka banadir Dr Cabdi Casiis Maxammed Ceyduruus Gudoomiyihii loogu magacdaray Dagmada Cabdilcasii majeerteen

1969 kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday  janaraal Axmed maxamuud Cade oo ka soo jeedo beesha Abgaal

1971 dii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday Janaraal Cusmaan Maxamed Jeelle oo ka soo jeedo Beesha Xawaadle

1972dii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday  G/sare Xasan Abshir Faarax wuxuuna ka soo jeeday beesha majeerteen

1978dii kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday yuusuf ibraahin Abuu raas

Wuxuuna ka soo jeeday beesha Ogaadeen

1980kii kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday G/sare Xasan Abshir Faarax wuxuuna ka soo jeeday beesha majeerteen

1987dii kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday Cali Ugaas Cabdulle oo ka soo jeeday Beesha Abgaal

1990 kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday waxaa Noqday sayid Cumar |Xaaji Maxamed oo ka soo jeedo beesha Abgaal

1991kii kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday Janaraal Axmed Jilacow Cadow oo ka soo jeeday beesha Abgaal

1992gii kii gudoomiyihii gobolka banadir waxaa noqday G/sare Cumar Xaashi Aadan oo ka oo jeeday beesha Xawaadle

Kuwaasine waxay ahaayeen magacyada gudoomiyayashii soo marey gobolka banaadir iyo qabiilada ay ka soo kala jeedeen

Side aad u aragto warbixintaan fikirkaagu waa muhiim aragtidaada hoos noogu reeb qeybta commentiga  hadaad nagu cusub tahay follow iyo like soo saar noona shere garey si muuqaalkaan uu Saaxiibo badan  u gaaro mahadsanidiin

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.