Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad oo ay wehlinayaan Guddoomiyaha gobolka Hiiran & Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan deaano katirsan Gobolka Hiiraan.
Ciidamada iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa saaka ku dhawaaday degaanka Ceel Cali oo 75 km dhanka Galbeed kaxiga Magaalada Beledweyne, halkaas oo muddo dhowr sano ah ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan ciidamada qeybta 27aad ayaa Risaala u sheegay in Al-Sabaab ay saaka isaga baxeen degaanka Ceel cali kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yihiin Ciidamada xoogga dalka.
Saraakiishu waxaa ay sidoo kale sheegeen in ujeedkoodu uu yahay sidii Al-Shabab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Galbeedka magaalada Beledweyne si loo xaqiijiyo amniga guud ee degaannadaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada ay weli howlallo ka wadaan Aaga degaanka Ceel cali, waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in Maanta howlgalka siweyn looga dareemay degaanka.