Home Afsomali Wasiirka Arrimaha Gudaha oo IOM kala hadlay Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo IOM kala hadlay Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Shaqada ee Hay’adda IOM Soomaaliya Mr. Frantz Celestin.
Kulanka waxa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyas Ali Hassan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Xasilinta iyo Dib u heshisiinta.
Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso Hay’adda IOM ee Soomaaliya.
22
Like

Comment
Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.