Home Afsomali Booliska Soomaaliya oo faah faahiyay weeraro ka dhacay Magaalada Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo faah faahiyay weeraro ka dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay weeraro toos ah iyo hoobiyeaal oo xalay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaaro dhimash iyo dhaawac ah.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay weeraro ku qaadeen Saldhiga Booliska degmada Kaxda iyo degaanka Daaru-salaam ee Magaalada, balse ay weeraradaas ka hortageen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay degmada Kaxda ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku alaan Saldhiga Booliska balse ay ku guuldareysteen, isaga oo sheegay inay ku dhinteen weerarkaas dad Shacab ah & askari katirsan ciidamada booliska halka weerarkii degaanka Daaru-salaam ay ku dhinteen dad Shacab ah oo ay kujireen laba Gabdhood oo aad u yar yar 16 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan wuxuu Al-Shabaab ku eedeeyeen inay kasoo horjeedaan howlaha horumarka ah ee ka socda Magaalada Muqdisho, balse Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan weeraradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.