Home Afsomali Al.shabaab oo 20 qof oo shacab ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Al.shabaab oo 20 qof oo shacab ah ku dilay Gobolka Hiiraan

 ku dhawaad 20 ruux oo shacab ah ayey ururka Al.shabaab ku dileeyn xalay deegaanka Afar irdood oo ku yaalla inta udhaxeeyso Degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa jiro dhawac badan oo weerarka Al.shabaab ka bad baaday kuwaas oo ka cararay halka dhibaatadan ay xalay ka dhacday.

 

Sidoo kale waxaa ay gubeeyn ku dhawaad 10 baabuur oo ay dadka la dilay saarnaayeen iyo dhamaan Raashinkii ay wadeeyn gaadiidkan oo shalay ka baxay Magaalada Baladweyne iyaga oo kusii jeeday degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

mudooyinkii danbo waxaa Deegaano badan oo gobolka Hiiraan ka socday howlgal ka dhan ah ururka Al.shabaab kuwaas oo ay wadeeyn Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanayo Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda loo yaqaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.