Home Afsomali Wararkii ugu danbeeyey Dagaalo Culus ioo ka socda deegaanka Ceeley ee Degmada...

Wararkii ugu danbeeyey Dagaalo Culus ioo ka socda deegaanka Ceeley ee Degmada Maxaas.

Waxaa sii kordhayo Khasaaraha dagaalo Culus oo udhaxeeyso Ciidamada deegaanka iyo Al.shabaab oo ka socda deegaanka Ceeleey oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkan waxaa uu ku bilooowday kadib markii Xubno ka tirsan Al.shabaab ay dad iyo xoolo ka wateen deegaanka Ceeleey intaasi kadib dadka deegaanka oo arintaasi ka carooday ayaa weeraray Xubnahii ka tirsanaa Al.shabaab. Dagaalkii xalay biloowday ayaa soo gaaray Subaxnimadii hore ee saakay.

ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo labada dhinaca ah 20 qof kabadan dhawac ayaa soo gaaray sida ay Hiiraanweyn usheegeyn ilo Muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

dadkan badan oo kusoo dhawacmay dagaalka oo dadka deegaanka ubadan ayaa la dhigay isbitaalka Guud ee degmada Maxaas sida ay Hiiraanweyn usheegeyn Maamulka Isbitaalka. Maamulka ayaa intaasi ku daray in isbitaalka uu wajahayo xaalado Daawo la’aaneeyd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.