https://youtu.be/hRUIqyVxzoU
Taariikhda Siyaasadeed ee Itoobiya
Muddadii 1855 – 2020
Yagleeliddii Abasiiniyada Cusub
iyo Xaaladda Murugsan ee Maanta
“Dulmar Kooban
”
Mustafa Fayruus
Sebtembar 2020
1
Tusmada
1- Gogoldhig ……………………………………………………………………………………… 2
2- Isdiidanta Itoobiyada Maanta …………………………………………………………… 4
3- Unkankii & Fiditaankii Abasiiniyada Cusub………………………………………. 7
4- Isbeddellada Furfuridda Imbaraadooriyadda …………………………………….. 12
Isbeddelka 1aad (1974): Tirtiridda Boqortooyada ……………………………… 12
Isbeddelka 2aad (1991): Qarammo Federaal ah …………………………………. 14
Isbeddelka 3aad (2018), Dr Abiy Axmed Cali …………………………………… 17
5- Xaaladda Murugsan & Mustaqbalka Itoobiya …………………………………… 22
6- Gabaggabo …………………………………………………………………………………… 28
2
1- Gogoldhig
Gadood teelteel ah ayaa Itoobiya ka bilowday Bishii Abriil 2014,
gadaashiina wuxuu isu rogay burkaano qarxay oo galaaftay hoggaankii
siyaasadeed ee dalka. Afar sanno ka dib Dr Abiy Axmed Cali ayaa
noqday Ra`iisalwasaaraha Itoobiya. Laba sanno iyo bar ayaa ka soo
wareegtay muddaduu Abiy Axmed xilka qabtay Abriil 2018, welina
xaaladda Itoobiya way heehaabaysaa, mararka qaarna waxaa laga
cabsadaa in xaaladdu faraha ka baxdo.
Waxaa xusid mudan in kacdoonka dhalay isbeddelka 2018 iyo
gadoodkan daba socdaa ay yihiin gadood ama kacdoon qadiim jadiid
ah, oo ku abtirsada hirar kacdoonno ah oo taxnaa intayba Itoobiyada
cusubi jirtay. Waa kacdoonno dhanka cabashada iyo ujeeddada isku
meel ku arooraya, hase yeeshee xilliba qaabkiisa wata ama
magacyada horseedka ka ahi ay isla beddelaan socodka taariikhda iyo
waayaha ku xeeran.
Sidaa awgeed, falanqaynta iyo iftiiminta xaaladda taagan iyo
dhacdooyinkeedu, waxay keensanayaan inaan dib u milicsanno
taariikhda Itoobiya iyo dhismaha Imbaradooriyaddii Abasiiniyada
Cusub laga soo bilaabo badhtamihii qarnigii 19aad, waa sannadkii
- Waa sooyaal xambaarsan waayo murugsan, oo nus qarnigii ugu
dambeeyay ay dhaceen saddex isbeddel, oo daarranaa furfuridda
imbaraadooriyad la soo falkinayay boqol iyo labaaanki sanno ee ka
horreeyay.
Waa sooyaalka muddo qarni iyo bar ka badan kuna astaysan kalamaan
xididaystay iyo loolan qoto dheer!
Ku darsoo, Itoobiya waa dalka ay Soomaalida isugu saamayn badan
yihiin shalay, maanta iyo berriba. Haddana, haddaynu Soomaali nahay
wax weyn kama naqaanno, mana danayno, Itoobiya taariikhdeeda,
dadyowga ay ka kooban tahay, meeshay ka timid iyo meeshay u
3
socoto midna. Ugu yaraan waa siday ila tahay. Caqliga iyo dantu
waxay innoo tilmaamayaan, inaan si cilmiyaysan u darisno waayaha
iyo wacaalka Itoobiya, inaan isku dayno inaan si qoto dheer u
fahamno, si aan ula falgalno si miisaaman oo dantu hagayso.
Anigoo intaaba maanka ku haya, waxaan halkan idinkula wadaagayaa
qoraal si kooban isu kor taagaya waayaha iyo wacaalka Itoobiya laga
soo bilaabo badhtamihii qarnigii 19aad ilaa xaaladda maanta taagan.
Waa iftiimin kooban oo sawir guud bixinaysa aanse hoos ugu degayn
tixidda iyo faahfaahinta dhacdooyinka.
Qoraalkani wuxuu ku bilowday maqaallo afar qormo ahaa oo ku soo
baxay website-ka WardheerNews Agoosto – Sebtembar 2020, waxaa
laga heli karaa https://wardheernews.com/search/Itoobiya+Fayruus. Ka
dib ayaan sii kobciyay, kuna daray xog dheeraad ah, deedna uu
noqday qoraalkan kooban.
Afeef ahaan, aan laba arrimood sii hormarsado. Waa tan koowaade,
qoraalka qaybtiisa 5aad “Xaaladda Murugsan & Mustaqbalka
Itoobiya” waxay ka hadlaysaa dhacdooyin socda, sidaas darteed,
waxaa dhici karta in la tebo dhacdooyin aanan xusin. Waa tan
labaade, maadaama qoraalkani yahay maqaallo la kobciyay waxaan la
socon ilihii tixraaca een xogta ka soo ururiyay. Waxayna huri doonin
inaan mar kale qalinka u qaato.
Ugu dambeyn, saaxiibbayaal, aad baan u soo dhowaynayaa wixii ra`yi
iyo toosin ah ee qoraalkan ku saabsan, mahad weyna waan idinka
hayn doonaa; waxaanan rajaynayana inay kaalin ka qaadan doonaan
sidaan mustaqbalka uga dhigi lahaa qoraal intan ka faahfaahsan.
Sidaa iyo akhris wacan!
Mustafa Fayruus
Email: mustafasom@hotmail.com
4
2- Isdiidanta Itoobiyada Maanta
Itoobiyada maanta, waa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka
Itoobiya “Federal Democratic Republic of Ethiopia” waa dalka ugu
dhul iyo dadba badan shanta dal ee Geeska Afrika. Dhul ahaan waxay
ka tahay ku dhowaad 45%; halka tirada dadkana ay ka tahay 60%.
Sannadkan 2020, tirada dadka Itoobiya waa 115 milyan Geeska Afrika
oo tiradooda guud tahay 191 milyan oo qof.1
Itoobiya waa dalka
labaad ee ugu dad badan Qaaradda Afrika, waxaa ka dad badan dalka
Nigeria oo ah (206 milyan) keliya, dalka saddexaadna waa Masar oo
ah (102 milyan).
Itoobiya waxaa ku nool ilaa 80 isir oo ku kala duwan diinta, luqadda
iyo dhaqanka. Markaan tixraacno tirakoobkii 2007, shanta
qowmiyadood ee ugu tirada badan iyo boqoleyda ay ka yihiin tirada
guud ee dadka Itoobiya waa sidan: Oromo (34.49%), Amxaaro
(26.89%), Soomaali (6.20%), Tigree (6.07%), Siidaama (4.01%) oo ah
qowmiyadda ugu weyn Shucuubta Koonfureed.
Qowmiyadda Soomaalidu waxay Itoobiya ka tahay qowmiyadda
saddexaad dhanka tirada dadka, baaxadda dhulkana waa tan
koowaad ama labaad.
Kala Maan & Loolan Qoto Dheer
Itoobiya waa dal (state) ka kooban quruumo (nations) kala duwan.
Sooyaalka samaysanka “Dalka Itoobiya” siyaabo kala duwan ayuu ugu
jiraa xusuusta iyo dareenka quruumahaas. Waa sooyaal qowmiyadba
tafsiir gaar ah u leh. Waa isdiidan ku aroorta taariikhda dawladnimada
Itoobiyada cusub, isla markaana waraabisa himilooyinka quruumaha
kala duwan iyo hiigsigooda mustaqbalka.
1
Sannadka 2020, tirada dadka Kiiniya waa 53.8 milyan, Soomaaliya waa 15.9
milyan, Eritereeya waa 5.4 milyan, Jamhuuriyadda Jabuuti waa ku dhowaad hal
milyan oo qof.
5
Dhulalkii ay Abasiiniya ku fiday muddadii 1855-1955, Amxaarada
wuxuu uga dhigan yahay dadaallo imbaraadooriyadda lagu
“midaynayay”, kuwa ka soo horjeedaana mudnaayeen in xoog lagu
muquuniyo, dhib kalena maba jirin! Dhinaca kale, badiba quruumaha
kale waxay u arkaan “dhul-ballaarsi” ay waday Amxaarada, oo u xoog
sheegatay kuna qabsatay “gumaysi”, iyadoo garab iyo gaashaanba ka
helaysay gumaystayaashii Reer Yurub. Gumaystayaashan doolaallada
ku yimid, ee Afrika qaybsanayay ayay iyaduna, waa Abasiiniyana e,
kula daaratay oo dhankeeda ka boobtay qaybteedana ka qaadatay!!
Sidaas darteed, kacdoonnada taxanaha ahaa waxay quruumihii la
muquuniyay uga dhignaayeen “halgan xornimo doon ah” ama “aayaka-talin ah”; erayga “Xorayn – Liberation” ayay ku xardheen magaca
jabhadaha ay samaysteen, sida: Jabhadda Xoraynta Oromiya (OLF),
Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF), Jabhadda Wadaniga
Xoraynta Ogaadeenya (ONLF), Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray
(TPLF), Jabhadda Xoraynta Dadka Eritereeya (EPLF). Waa halgan
himiladiisu ahayd inay taabaan “guusha” EPLF ku dhistay dalka
Eritereeya oo kale, ka dib markay iska tuurtay “heeryadii gumaysiga”!
Si taas ka duwan, Amxaarada kacdoonnada qaybta ka ahayd wuxuu uga
dhignaa “caddaalad darro & maamul xumo laga dhiidhiyayo”; waxayna
u kaceen inay iska tuuraan xukun qalloocday, oo kelitalis noqday.
Arrintan kala maanka waxaa tusaale fiican u ah sida dhacdooyinku u
leeyihiin laba dhadhan oo is diidan ama laba fasir oo iska soo horjeeda.
Aan tusaale ahaan u soo qaadanno laba arrimood, “Kaaraamardha iyo
Soomaalida” iyo “taallooyinka qaranka iyo Oromada”.
Tan Kaaraamardha iyo Soomaalida, Magaalada Addis Ababa waxaa
05/03/2020 lagu qabtay xus loo bixiyay “Guushii Kaaraamardha”, waa
42guuradii markii ciidamada Itoobiya & huwantu dib u qabsadeen
Buurta Kaaraamardha 05/03/1978. Dhowr bilood dabadeed,
19/05/2020, waxaa Buurta Karaamardha dusheeda lagu qabtay xus
6
loo bixiyay “Xasuuqii Kaaramardha”, oo lagu xusayay 43guuradii ka
soo wareegtay boqolaal dadweyne oo ay ciidanka Itoobiya ku
xasuuqeen Jigjiga iyo deegaanka ku xeeran 19/08/1977.
Dadweynahaa la xasuuqay waxaa ka mid ahaa salaadiin,
nabaddoonno iyo waxgarad kale oo bulshada magac ku lahaa.
Waayaha Kaaraamardha ee dagaalkii 1977/78 laba dhadhan oo is
diidan ayuu u kala leeyahay Amxaaradii Abasiiniya dhisatay iyo
Soomaalida oo ka mida shucuubta la muquuniyay.
Tan taallooyinka qaran, aabbayaasha Itoobiyada cusub dhidibbada u
taagay ee tallooyinka lagu maamuusay waxaa ka mid ah Ras
Makonnen Wolde Mikael [Boqor Xayle Salaase aabbihii] oo magaalada
Harar taallo looga dhisay, Boqor Minilik oo isna taallo looga dhisay
Addis Ababa, iyo Boqor Haile Selasse oo Dawladda Ingiriisku taallo uga
dhistay magaalada London. Taallooyinkani waxay astaamo qaran u
yihiin Itoobiyada ay Amxaaradu dhisatay, halka ay Oromada (iyo
shucuubtii kale ee xoogga lagu muquuniyay) uga dhigan yihiin
astaamaha gumaysiga iyo duudsiga dadyowga dulman. Sidaas
darteed, ayay taallooyinkan u burburiyeen dadweynihii ka gadooday
dilkii heesaagii Oromada ahaa Hachalu Hundessa dabayaaqadii Juun
2020, oo gilgilay Itoobiya, kuna baahay jaaliyadaha Yurub iyo
Maraykanka.
Aragtiyahan kala maanka ah ayaa qaabeeya, oo quudiya loolanka
qotada dheer ee Itoobiya ka taagan; isla aragtiyahan ayaa hagaya
himilada iyo habka quruumaha kala duwani ay ula falgelayaan
siyaasadda iyo arrimaha masiiriga ah.
Si aan ugu dhowaanno xidididdada waraabiya isdiidanta Itoobiyada
maanta aan yara qooraansanno unkankii iyo fiditaankii
Imbaraadooriyaddii Abasiiniyada Cusub laga soo bilaabo bartamihii
qarnigii 19aad, waa sannadkii 1855, iyo boqol iyo labaatankii sanno ee
xigay. Akhrinta taariikhdii shalay waxay wax ku biirinaysaa fahmidda
xaaladda maanta iyo oddorosidda timaaddada ay rimman tahay.
7
3- Unkankii & Fiditaankii Abasiiniyada Cusub
Taariikh ahaan Abasiiniya waxaa loo yaqaanay qaybo ka mid ah
dhuldheerta Waqooyiga iyo badhtamaha Itoobiyada maanta. Waxay
ka koobnayd shacabka Saamiyiinta “Semitic” ah ee Amxaarada iyo
Tigreyga, diin ahaanna “Kiristaan Orthodox ah” u badan. Badiba gobta
talisaa waxay ahaayeen Amxaaro, taasoo shiiqisay kaalintii Tigreega.
Shucuubtan iyo deegaankooda waxaa loo yaqaanay Abasiiniya ama
Xabashi. Magaca “Abasiiniya” waa erayga Laatiiniga ah ee u dhigma
magaca “Xabashi” oo Carabi ah.2
Dhulweynaha ballaaran ee xilligan Itoobiya loo yaqaan, waxay
Abasiiniya ku fiday qarnigii 19aad iyo nuskii hore ee qarniga 20aad,
waa muddadii u dhexaysay 1855-1955. Muddadaa ka hor, waxay
ahaayeen ummado iyo shucuub leh dhaqankooda, taariikhdooda iyo
maamulkooda ka duwan, kana madax bannaan, Abasiiniya.
Badhtamihii qarnigii 19aad ayay midoobeen imaaradihii Amxaarada
ee “Gonder, Gojam & Shoa”, iyagoo taakulo iyo tabantaababa ka
helaya Ingiriiska. Halkaa waxaa sannadkii 1855 ka unkamay
Imbaraadooriyadda Abasiiniya cusub ama Imbaraadooriyadda
Itoobiyada cusub. Waxaa boqor u noqday Boqor Tewdoros II.
Imbaraadooriyaddan Abasiiniyada cusub waxay ku dhisantay kuna
shaqaynaysay siyaasad ay udub-dhexaad u ahaayeen laba arrimood,
oo kala ah: (1) dhisidda imbaraadooriyad ballaaran iyo (2)
Amxaaraynta (Amharization) quruumaha kala duwan ee lagu fidayo.
Boqorradii kala dambeeyay waxay ka shaqeeyeen siday u ballaarin
lahaayeen dhulka Imbaraadooriyadda cusub, isla markaana wax ula
qabsan lahaayeen gumaystaha reer Yurub ee Afrika kala boobayay.
2 Magaca “Xabashida” “الحبشة “Carabtii hore waxay u adeegsan jirtay guud ahaanba
“Geeska Afrika”, laakiinse muddadii dambe wuxuu ku soo ururay Saamiyiintii
degganaa Waqooyiga iyo Badhtamaha Itoobiyada maanta.
8
Imbaraadooriyaddani waxay ku taamaysay dhulweyne soohdintiisu
tahay badaha iyo biyaha ku xeeran. Wuxuu hankeeda ahaa inay
dhanka Waqooyi ka gaarto ilaa Khartuumta Suudaan, dhanka
Koonfureedna laga bilaabo dhulka Oromada ilaa Kiiniya, dhanka
Barina ilaa Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas,
dhanka Galbeedna ilaa Harada Fiktooriya. Waa damac ah min Raas
Casayr ilaa Harada Nyanza ama Fiktooriya! Warqad uu Boqor Minilik u
diray dalalkii Reer Yurub 10/4/1891 ayuu xuduuddan ku sheegtay,
iyaguna way la tabantaabiyeen.3
Reer Yurub waxay Abasiiniya ugu deeqeen hub iyo rasaas ka dhigay
cududda milatari ee ugu saraysa Gobolka Geeska Afrika. Tusaale
ahaan, dalalkii Faransiiska, Ruushka, Talyaaniga iyo Ingiriisku waxay
boqor Minilik siiyeen hub gaarayay 715,000 bunduq iyo 50 milyan oo
rasaas ah muddadii u dhexaysay 1868-1900.4
Hubkani wuxuu
Abasiiniya u fududeeyay siyaasaddeedii ku qotontay dhul-ballaarsiga
iyo muquuninta shucuubtii ay deriska ahaayeen.
Abasiiniya waxay u fiday Bari, Galbeed iyo Koonfur; waxayna noqotay
Imbaraadooriyad baaxad weyn. Muddo hal qarni ah 1855-1955,
marba qowmiyad ama deegaan bay ku habsanaysay oo liqaysay, sida
shucuubta: Oromo, Soomaali, Cafar, Wolayta, Gurage, Sidama, Gedeo
3
Imbaraadooriyadda Xabashidu keli kuma ahayn damaca dhul-ballaarsiga, wuxuu
ahaa dhaqankii imbaraadooriyadaha ee waagaa dunida ka jiray, ma jirin
soohdimaha qeexan ee dawladaha maanta u dhexeeya. Imbaraadooriyad kasta
xuduuddeedu waxay ahayd meesha awooddeeda ciidan gaarsiiso!
4
Hubka uu Minilik dawladahaa ka helay wuxuu kala ahaa sidan:
Dalka Siiyay Bunduqyada (Rifles) Tirada Rasaasta
France 500,000 20,000,000
Russia 150,000 15,000,000
Italy 50,000 10,000,000
Britain 15,000 5,000,000
Wadar 715,000 50,000,000
9
ikk. DD2 ka dib, Dawladda Ingiriiska ayaa iyaduna siisay qaybo ka mid
ah dhulka Soomaalida, Qaramada Midoobayna waxay ugu dartay
Dalka Eriteriya.
Imbaraadooriyadan waxaa tiirarka u taagay saddexdii imbaraadoor5
oo Abasiiniya ka talinayay muddooyinka Tewdoros II (1855-1868),6
Minilik II (1889 – 1913)7
iyo Haile Sellassie I (1916-1974)8
. Xilligii Boqor
Minilik II ayay Abasiiniya ku fiday dhulka ugu ballaadhan; sidoo kale
wuxuu dhisay hannaan maamul oo xudduntiisu tahay magaalada
Addis Ababa, oo uu caasimad ka dhigay 1889. Boqor Xayle Salaase
wuxuu xilligiisii qaaday tallaabooyin uu imbaraadooriyadda ku
casriyaynayo. Wuxuu bilaabay dhisidda hay`adaha iyo kaabayaasha
dawlad casri ah. Wuxuu sameeyay dastuur sannadihii 1931 & 1955, oo
xididdada loogu sii aasay hannaanka boqortooyada iyo awoodda
Kaniisadda Orthodox. Dastuurkan, erayada “imbaraadoor,
5
Hannaanka boqortooyada waxaa ugu awood badan imbaraadoor (emperor),
waxaa ku xiga boqor (king) waxaa ka sii hooseeya Amiir (Prince) ikk. Dhinaca
awoodda iyo dhulka ay ka taliyaanba way ku kala badan yihiin. U fiirso
waddamada Khaliijku waxay leeyihiin hal boqor (Waa Sucuudiga oo ugu dhul
weyn) iyo dalalka kale oo ay “amiirro” ka taliyaan. Imbaraadoor wuxuu u
dhigmaa boqorka boqorrada. Xayle Salaase wuxuu ahaa Imbaraadoor,
maamuusyada loogu yeero waxaa ka mid ahaa “Nəgusä Nägäst” ama boqorka
boqorrada. Sannadkii 1974, markii la inqilaabay xayle Salaase, dunida waxaa ka
jiray saddex imbaraadoor keliya: Xayle Salaase (Itoobiya), Shaaha Iiraan iyo
Tennaha Jabaan. Xilligan cidda keliya ee taajka “Imbaraadoor” dunida ka
wadataa waa Tennaha Jabaan.
6
Boqor Tewdoros II, waxaa loogu waqlalay Sahle Dingil (1818 –1868), wuxuu ahaa
boqorka Abasiiniya muddadii (1855-1868), markii taajka la huwiyay ayaa lagu
maamuusay magaca Tewdoros II.
7
Boqor Minilik II, waxaa loogu waqlalay magaca Sahle Mariam (1844-1913), wuxuu
ahaa boqorkii Shewa muddadii (1866-1889), ka dibna wuxuu noqday
imbaraadoorkii Abasiiniya muddadii (1889-1913) waxaana lagu maamuusay
magaca Minilik II.
8
Boqor Xayle Salaase I, waxaa loogu waqlalay magaca Tafari Makonnen
Woldemikael (1892-1975), wuxuu ahaa Imbaraadoorka Itoobiya muddadii (1930-
1974) waxaana lagu maamuusay magaca Haile Selasse I.
10
imbaraadooriyad iwm” waxay ku soo arooreen 175 jeer, halka erayga
Orthodox ku soo arooray toddobo jeer.
Abasiiniya waxay ku dhisantay Amxaarada oo xoog ku “qabsatay”
qowmiyadaha kale, una darbatay inay Amxaarayso af, dhaqan iyo diin
ahaanba, halkaana ku samaysa ummadda Itoobiya.
Haddii qarniga 19aad ahaa qarnigii imbaraadooriyadaha, qarniga
labaatanaad wuxuu ku caan baxay qarnigii burburka
imbaraadooriyadaha. Dagaalkii koowaad (DD1) iyo labaad (DD2) ee
dunida waxaa ku burburay ama ku wiiqmay imbaraadooriyadihii
baaxadda iyo awooddaba lahaa. Itoobiya waxay ka mid noqotay
dhowrka imbaraadooriyadood ee burburkaa ka badbaaday. Dhul hor
leh ayayba ku fiday DD2 ka dib, waa dhulka Soomaalida iyo Eriteriya e.
Hawshaa qarniga iyo dheeraadka soo taxnayd, ee Amxaaradu
awooddeeda ku fidisay dhul baaxad leh, tabantaabada iyo
taakulayntana ka heshay gumeystayaashii reer Yurub, wuxuu
miraheedu noqday dalka ugu dhul, dad iyo awoodba weyn dalalka
Geeska Afrika; isla markaana ka mid noqotay dalalka Qaaradda Afrika
ugu muhiimsan.
Waxaa xusid mudan in Abasiiniya ku guulaysatay inay “sharciyad –
legitimacy” dibadeed u hesho dhulweynahaa ay isku ballaadhisay
muddadaa qarniga ah. Laakiin waxay ku guuldarraysatay inay
“sharciyad –legitimacy” ka hesho, ama quluubtooda kasbato,
quruumihii xoogga lagu muquuniyay laguna Amxaaraynayay.
Aan markhaati ahaan u soo minguuriyo erayadii Walleligne Mekonen
(1945 –1972), oo arday ka ahaa Jaamacadda Xayle Salaase [Hadda ah
Jaamacadda Addis Ababa], ahaana hoggaamiye ka tirsan
Dhaqdhaqaaqa Ardayda Itoobiya [Ethiopian Students’ Movement
(ESM)]. Isagoo tilmaamaya xuddunta dhibaatada haysata Itoobiya oo
ah “Amxaaraynta” shucuubta kale lagu wado, Walleligne Mekonen
11
wuxuu sannadkii 1969 qoray maqaal uu u bixiyay “on the Question of
Nationalities in Ethiopia”. Wuxuu maqaalkiisa ku bilaabay “Ujeedka
weyn ee aan maqaalkan ka leeyahay waa inaan dood ka furo arrinka
“lagama hadlaanka” ah, haddana aadka muhiimka ugu ah dalkan –
arrinkani waa masalada quruumaha”. Tuducyada uu sida cad ugu
nuuxnuuxsaday xuddunta mushkiladda Imbaraadooriyadda Itoobiya
waxaa ka mid ah:
“…… waxaa jira quruumaha Oromo, Tigree, Amxaaro, Guraage,
Siidaama, Wellamo [Wolayta], Adari [Harari] iyo weliba qolada aydaan
jeclayn ee Soomaalida. Waa kaas sawirka dhabta ah ee Itoobiya.
Waxaase jira Itoobiyaannimo gacan-ku-samays ah, oo ay dabada ka
riixayso dabaqadda talisaa, iskana rumaysteen, siina fafiyeen, socoto
khabar-maafish ahi.
Waa maxay Itoobiyaannimada gacan-ku-samays ahi? Keliya ma in
Amxaarada amaba Amxaarada iyo Tigreegu ay dadka kale ka
sarreeyaan baa? Qof kasta weydii waa maxay Dhaqan-Itoobiyaanka?
Qof kasta weydii Luqad-Itoobiyaanka? Qof kasta weydii MuusigItoobiyaanka? Qof kasta weydii “dharka hiddaha iyo dhaqanka”?
Dhammaan waa Amxaaro ama Amxaaro-Tigree!! Qofku si uu u noqdo
“Itoobiyaan dhab ah” waa inuu ku hadlaa af Amxaari, dhegaystaa
muusig Amxaari ah, qaataa diinta Amxaara-Tigree (waa Kiristaan
Orthodox ahe), shirarka caalamiga ahna ku labistaa shammaha
Amxaarada & Tigreegu [dhaqanka u leeyihiin]. Xaaladaha qaarkood, si
aad u noqotid Itoobiyaan, xataa waa inaad magacaaga bedeshaa.
Hadal iyo dhammaantii si aad Itoobiyaan u noqotid waa inaad Amxaar
iska yeelyeeshaa (To wear Amhara mask in Fanon`s expression)… Sida
dastuurku qabo waa inaad taqaanid af Amxaari si aad waxbarasho u
gashid, shaqo u heshid, buugta u akhrisan kartid (haba tiro
yaraadeene), xataa si aad warka uga dhegaysan kartid idaacadda
“Itoobiya”.
Walleligne Mekonen wuxuu farta saaray milisha iyo boogta ay
Itoobiya u dhimanayso.
12
4- Isbeddellada Furfuridda Imbaraadooriyadda
Nus qarnigii u dambeeyay, Imbaraadooriyadda Abasiiniya waxaa ku
dhuftay mawjado isbedello bar-kulankoodu yahay furfuridda
Imbaraadooriyaddii Abasiiniya ee soo dhismaysay muddadii 1855-
- Saddex isbeddel ayaa kala dhacay 1974, 1991 & 2018; waxay
beddeleen hannaanka dawladeed iyo siyaasadeed ee Itoobiya.
Saddexdan isbeddel aan midba si kooban u sifaynno.
Isbeddelka 1aad (1974): Tirtiridda Hannaanka Boqortooyada
Boqor Xayle Salaase wuxuu dhaxlay kursiga Imbaraadoorka Itoobiya
Abriil 1930, 44 sanno ka dib ayay milatarigu afgambiyeen 12
Sebtembar 1974. Lix bilood ka dib waxay ciidammadu si rasmi ah ugu
dhawaaqeen 21/3/1975 inay baabi`iyeen hannaankii boqortooyada,
dalkana u beddelaan “jamhuuriyad”.
Afgambigan waxaa horseeday tobannaankii sanno ee u dambeeyay oo
ay isa soo tarayeen kacdoonno hubaysan oo ay wadeen jabhado ka
dhiidhiyaya dulmiga soo jireenka ah, iyo kacdoonno madani ah oo
ardaydu lafdhabar u ahaayeen. Waxa xaaladda sii qarxiyay shaqo
la`aan baahsan iyo abaar dalka ku dhufatay 1973 oo horseeday
macaluul lagu le`day. Ciidammadu waxay sameeyeen gadooddo
googoos ah, ilaa ugu dambayntii ay awoodda la wareegeen oo
boqorkii afgembiyeen. Ku darsoo, afgambiga ciidammadu wuxuu
xilligaa ahaa “moodo” ay Afrika ku waalayd.
Milatarigu waxay dhidbeen kacaan Hantiwadaaga, waxay wacad ku
mareen inay Itoobiya ku dhaqaan mabaadiida Maarkis & Leenin, ayna
dhisaan bulsho “horusocod” ama “progressive” ah oo ka didsan wax
kasta oo soojireen ah. Qaabdhismeedkan jamhuuriyadda kacaanka
ayaa lagu sargooyay dastuurkii 3aad ee Itoobiya ee la sameeyay
13
sannadkii 1987.9
Kacaankan milatariga Itoobiya waxaa hoggaaminayay
“Golaha KMG ee Maamulka Milatariga” oo ku caan ah magaca
“Dergiga”, wuxuu shabbahaa “Golaha Sare ee Kacaanka” ee
Soomaaliya xilliyadaa ka talinayay.
Isbeddelkani wuxuu burburiyay udub-dhexaadkay ku dhisnayd
Imbaraadooriyadda Abasiiniya; wuxuu tirtiray hannaankii
boqortooyada dhaxaltooyada; Dastuurka 1987 wuxuu qiray in
Itoobiya ka kooban tahay shucuub ama quruumo (nationalities) kala
duwan ayse ka dhexayso dawlad “unitary” ah (qodob 2); waxaana
awoodda siyaasadeed gacanta loo geliyay Xisbiga Shaqaalaha Itoobiya
(qodob 6); waxaa meesha ka baxay mudnaantii dastuureed ee ay
lahayd Kaniisadda Orthodox (qodob 46), awooddeedii dhaqaalana
waa la wiiqay; waxaa la tirtiray nidaamka iqdaaca “feudal system” ee
tiro yar oo Amxaaro ahi lahayd dhul-beereedka kuna dhiigmiiran jirtay
beeralayda yaryar.
Marba haddii la tirtiray boqortooyadii, Itoobiyana noqotay
jamhuuriyad; taas macnaheedu waa in qof kasta oo muwaadin ahi,
dastuur ahaan, uu dalka ka qaban karo xilalka ugu sarreeya, oo
horraantii u xirnaa gobta reer boqor ee Amxaarada ah.
Hase yeeshee, inkastoo taajkii boqortooyada la tirtiray, waxaa weli sii
socday hannaankii “Amxaaraynta”, oo shucuubta kala duwan lagu
beerayo afka iyo dhaqanka Amxaarada, walow sidii hore uu ka
khafiifsanaa; awooddii siyaasadeedna weli waxay ku urursanayd
gacanta Qowmiyadda Amxaarada. Waa kacaan iyo caadkiise,
himilooyinkii uu ku dhawaaqay bilowgii si tartiib tartiib ah ayay u
9
Imbaraadoor Xayle Salaase ayaa qoray dastuurkii 1aad ee Itoobiya sannadkii
1931, waxaa dib loo eegay sannadguuradii 25aad ee taajkiisa, waa sannadkii
- Dastuurka 3aad waxaa qoray xukunkii Dergiga sannadkii 1987, dastuurka
afraadna waxaa la qoray 1995 xilligii xukunka jabhadda EPRDF, waana midka
xilligan lagu shaqeeyo.
14
“uumiyoobeen”, isbeddellada uu ku baaqay qaarkood maba
dhaafsiisnayn afka baarkiisa.
Midhaha ugu weyn ee nidaamkii Dergiga laga dhaxlay waa
“jamhuuriyad dadweynuhu leeyahay oo aan ahayn dhaxaltooyo
qoys/qowmiyad gaara u xiran”.
Isbeddelka 2aad (1991): Qarammo Federaal ah
Milatarigii xukunka qabsaday 1974 waxaa ku kacay jabhado mucaarad
hubaysan ah, ama kuwo hore u jiray oo sii laba kacleeyay, waxay ku
guulaysteen inay xukunka ka tuuraan 28/5/1991. Waxaa xukunkii la
wareegay Isbahaysiga “Ethiopian People’s Revolutionary Democratic
Front (EPRDF)”, oo ay horseed u tahay Jabhadda Tigreega TPLF (Tigray
People’s Liberation Front); waxaa ku weheliyay Jabhadda Amxaarada
(ADP), tan Oromada (ODP), iyo tan Shucuubta Koonfureed (SEPDM).
Isbahaysiga EPRDF waxay dibuhabayn ku sameeyeen hannaankii
Dawladda Itoobiya. Waxay seeska u dhigeen “Jamhuuriyad Federaal
Dimoqraadi ah”. Hannaankan waxaa qeexaya dastuurka 1995. Waxay
ka shaqeeyeen siday xididdada ugu siibi lahaayeen awooddii
Amxaarada una joojin lahaayeen Amxaarayntii qowmiyadaha kale.
Itoobiya waxaa lagu qeexay qowmiyado iyo shucuub federaal ah;
wada leh dal ka kooban “dawlado ama qarammo/states [kilil]”, oo ah
sagaal kilil oo federaal ah, koodii doonaana ka bixi karo dalweynaha
Itoobiya shuruud la`aan (Dastuur 1995, qodob 39).
Qowmiyaddii ama shacabkii kale ee doona inuu dawlad noqdo, yacnii
kilil gaar ah yeesho, iyana waxaa ka xiga “afti dadweyne” iyo raacidda
tallaabooyinka dastuurku qeexayo. Waxaa waddadan qaaday
qowmiyadda Siidaama, oo ah qowmiyadda ugu badan Shucuubta
Koonfureed. Aftidii Noofambar 2019 waxay u codeeyeen inay
yeeshaan kilil gaar ah, oo noqonaya kililka 10aad.
15
Dawladdii/kililkii doona inuu ka baxo Federaalka Itoobiya, oo noqdo
jamhuuriyad madaxbannaan, dastuuriyan way u furan tahay, iyadoo la
raacayo habraac ay ugu muhiimsan tahay “afti dadweyne”. Waddadaa
waxaa maray Eritereeya oo sannadkii 1993 noqotay dawlad
madaxbannaan (Markaa waxa jiray Cahdi-qarameedkii 1991, oo u
xuubsiibtay dastuurka 1995).
Waxaa intaa raaca waxaa meesha laga saaray Amxaarayntii [dhaqan,
af iwm] ay dawladdu ku waday qowmiyadaha kala duwan. Dastuurku
wuxuu quruumaha kala duwan u qiray inay xaq u leeyihiin adeegsiga
afkooda iyo dhowridda dhaqankooda.
Dhinaca luqadda, sida uu qeexayo qodobka 5aad ee dastuurku, waxaa
meesha laga saaray mudnaantii ay luqadda Amxaarigu keligeed
lahayd, dawlad-deegaannada waxaa loo oggolaaday inay
xafiisyadooda kaga shaqayn karaan luqadda ay doortaan, yacnii kilil
walba luqaddiisa ku shaqayn karo. Amxaariga waxaa lagu soo koobay
inuu dawladda dhexe u ahaado luqad ay ku shaqayso “working
language”. Sida muuqata kaalintan af Amxaarigga loo reebay way sii
shiiqi doontaa mar kasta oo uu kobco adeegsiga luqadaha kale. Waxaa
tusaale innoogu filan Kililka Dawlad-Deegaanka Soomaalida, oo
kaalinta af Soomaaligu sare u socoto halka adeegsiga Amxaariguna
hoos u sii dhacayo. Dabcan, waxaan ka hadlaynaa luqadda lagu
adeegsanayo maamulka, waxbarashada iyo warbaahinta. Waxa iyana
kaalin soo kobcaysa helay af Ingiriisiga, dhinaca waxbarashada iyo
maamulka labadaba, waxayna u muuqataa inuu kaalinta dhexe ka
riixanayo af Amxaariga, waa haddayna Oromadu carshacarshayne!.
Dhinaca diinta, dawladdu masaafo is le`eg ayay u wada jirtaa diimaha,
oo ma jirto diin gaara oo ah “Diinta Dawladda” (Dastuurka 1995,
qodob 11). Halkaa waxa laga saaray kaalintii Mad-habta & Kaniisadda
Orthodox ay ku lahayd dawladda ee dastuurkii 1955 ku
nuuxnuuxsanayay. Waxaa intaa raaca (qodob 27) in dadweynuhu
maamulanayaan arrimaha diimahooda, una samaysan karaan ururro
16
iyo hay`ado uga shaqeeya. Mudnaanta rasmiga ah ee laga xayuubiyay
Kaniisadda Orthodox waxay kaalin hor leh siinaysaa diimaha kale oo
Islaamku ugu horreeyo.
Jabhaddii Tigreega iyo isbahaysigay hoggaaminaysay waxay ka
shaqeeyeen hirgelinta qaabdhismeedkan cusub ee Itoobiya, waxayna
hore u qaadeen tallaabooyin muuqda. Qiimayntayda, tallaabooyinkan
waxaa ugu mudan: (1) samaynta dastuurka 1995, (2) baahinta
awoodda & dhisidda dal federaal ah, (3) kilillada oo la siiyay awoodda
aayakatalinta, iyo (4) joojinta Amxaarayntii shucuubta kale lagu waday.
Isbeddelka Itoobiya ka dhacay 1991, waa fursad ballaaran oo u soo
hoyatay shucuubtay Amxaaradu xoogga ku qabsatay, kuna waday
Amxaaraynta joogtada ah. Qowmiyadihii ahaa, ama dareemayay inay
yihiin, muwaadiniin darajada 2aad ah, isbeddelkani wuxuu siiyay
fursad ay ku hanan karaan muwaadinnimo loo siman yahay Itoobiya
dhexdeeda, ama ay ku yagleelaan dal iyaga u gaar ah.
Dabcan, mar kasta waxaa jiraya in xuquuqda dastuurku bixiyaa ay u
baahan tahay karti iyo awood lagu hanan karo. Fursaddu waa
meesheeda, ka faa`iidaysiguna waa arrin kale, oo isna dadaal
dheeraad ah u baahan.10
Midhaha ugu weyn ee isbeddelkii 1991 laga dhaxlay waa “dal federaal
ah oo ay wada leeyihiin quruumo iyo dawlado dastuur ku wada
jooga”. Arrintani, wacyi ahaan iyo dastuur ahaanba, waxay belbelisay
isbeddelka dhashay 2018.
10 Roobka da`aya marba waa weelka loo dhigto iyo biyaha laga dhaansado e,
su`aasha ay tahay inay is weydiiyaan Soomaalidu, waa Dawlad-Deegaanka
Soomaalida e, intee ayay ka faa`iidaysteen marxaladdaa 1991-2018?! Dabcan,
waa su`aal ummad kastaa ay gaarkeeda isu weydiinayso.
17
Isbeddelka 3aad (2018), Dr Abiy Axmed Cali
Loolanka qotada dheer ee soo jireenka ahaa ka sokow, isbeddelkan
waxaa dhalay saluug is biirsaday, iyadoo lagu hungoobay himilooyinkii
la quuddaraynayay, iyo cudurrada dilayaasha dawladnimada oo ku
goobtay isbahaysigii talada hayay!
Jabhadda EPRDF, oo Tigreega TPLF xuddun u ahaayeen, markay
xukunkii ku xididaysatay, siiba laga bilaabo 2005, waxay qaaday
tallaabooyin ay awoodda ku urursanayso, mucaaradka ku
muquuninayso, saxaafadda ku cabbudhinayso, kaalinta bulshada
rayidkana ku shiiqinayso. Waxaa ku dhacay cudurrada kelitaliska,
musuqmaasuqa iyo eexda oo aalaaba ragaadiya cid kasta oo xukunka
ku raagta. Tigreegu waxay u muuqdeen inay dhaxleen booskii
Amxaarada.
Ceejinta Hannaanka Siyaasadeed
Qiyaastii tobankii sanno ee u dambeeyay xukunkeeda, Jabhadda
EPRDF waxay ka shaqaysay siday u wada qaadan lahayd kuraasta
baarlamaanka oo 547 kursi ah, una ceejin lahayd xisbiyada kale.
Doorashooyinkii baarlamaanka ee 1995 & 2000 Jabhadda EPRDF
waxay heshay aqlabiyad weyn, hase yeeshee doorashadii 2005 waxaa
ku soo baxay mucaarad gilgilay tiro buuranna kuraasta ka helay.
Jabhadda EPRDF natiijadan way liqi wayday, waxayna ka shaqaysay
siday afka ugu wada dhigan lahayd dhamaanba kuraasta
baarlamaanka! Doorashadii 2010, EPRDF iyo isbahaysigeedu waxay
heleen 546 kursi, waxaa ka baxsaday hal kursi oo keliya! Doorashadii
xigtay ee 2015 dhammaanba kuraastii waxaa wada helay EPRDF &
xisbiyada ay bahwadaagta yihiin. Labada doorasho ee 2010 & 2015
waxay tilmaan u noqdeen siduu u wiiqmay hannaanka xisbiyada
badan, waxaa loo arkay nidaam kelitalis awoodda sii urursanaya.
Waxaa laga quustay isbeddel ku yimaadda doorasho, taasoo
horseedday kacdoon shacbi.
18
Waxaa iyana xusid mudan, in Isbahaysiga EPRDF uu ka koobnaa afar
xisbi, waxaase u awood weynaa jabhadda Tigreega ee TPLF. Tigreegu
waxay u muuqdeen inay si isa soo taraysa isu siiyeen booskii
Amxaarada, xilalkii sare ee dawladda federaalka iyagu isku taxeen,
awooddii roorsadeen kuna amarkutaagleeyeen, inta kalena
maqaarsaar iska noqdeen. Haddii Abasiiniya awooddu ku urursanayd
Amxaarada, xilligan, marba marka ka dambaysa awooddu waxay ku
soo ururaysay gacanta Tigreega, oo tiro ahaan ka yar Amxaarada,
musuqmaasuqa iyo kutagrifalka awooddana iyagaa faraha aad loogu
fiiqayay. Arrinku wuxuu ku soo ururay “mataanihii Abasiiniya” oo
kaalinta kala bedeshay!
Afar Sanno oo Baaxaaddeg ah
Bilowgii 2014 ayay Dawladda Federaalku soo bandhigtay qorshaha
ballaarinta Caasimadda Addis Ababa, oo dhul-beereed ka tirsan
Gobolka Oroomiya ku daraya Addis Ababa. Kacdoonno lagaga soo
horjeedo ayay ardayda jaamacadaha Oroomiya bilaabeen Abriil 2014.
Waxay dawladdu bilowday inay jujuub ku fuliso qorshahan
Noofambar 2015. Kacdoonkii ayaa sii ballaartay, waxay ku fideen
gobollada Oroomiya & Amxaara, waxay isu rogeen burkaano qarxay!
Waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, xarig iyo burbur hanti.
Dawladdii Federaalku waxay ku qasbanaatay in Janaayo 2016 ay
faraha ka qaaddo qorshihii ballaarinta caasimadda. Kacdoonnadiise
ma joogsan. Dawladda dhexe waxay isku dayday inay xoog milatari ku
xakamayso, waxay soo rogtay xaalad degdeg ah Oktoobar 2016,
waxbase way tari wayday. Kacdoonnadii waxay gilgileen hoggaankii
siyaasadeed ee Itoobiya. Atto Hailemariam Desalegn,
Ra`iisalwasaarihii Itoobiya, ayaa tallaabo muuqata u qaaday dhanka
isbeddel nabadeed; bilowgii Janaayo 2018 ayuu iska casilay labadii xil
ee Ra`iisalwasaarihii Itoobiya iyo Guddoomiyihii Jabhadda EPRDF.
Afar sanno (2014-2018) oo baaxaaddeg ah ka dib, waxaa dhacay
isbeddelkii 3aad ee Itoobiya muddo nus qarni ah gudaheed. Dr Abiy
19
Axmed Cali ayaa loo doortay guddoomiyaha EPRDF 27/3/2018, lix
maalmood ka dibna, wuxuu noqday Ra`iisalwasaarihii Itoobiya.
Kacdoonnadan waxaa lafdhabar u ahaa Qowmiyadaha Oromada iyo
Amxaarada, oo ka wada dhiidhiyay xukunka EPRDF oo dalka ka
talinayay taniyo 1991, oo ay u arkayeen inuu u xuubsiibtay kelitalis,
halka awoodda siyaasadeed iyo fursadaha dhaqaaluhuna ku soo
ururayeen gacanta in yar oo Tigree ah. Saluuggan waxaa quudinayay
shaqo la`aanta baahsan ee dhallinyarada ku habsatay, iyo
musuqmaasuqa xididaystay.
Waxaa xusid mudan in Amxaarada iyo Oromadu Itoobiya ka yihiin
qiyaastii 62%, degan yihiinna badhtamaha Itoobiya; waa aqlabiyad
buuran oo aan la loodin karin, dalkuna u jihaysanayo dhankay isku
raacaan. Waxaase iyana in hoosta laga xarriiqo ay tahay, in labadan
qowmiyadood ku kala arooraan labada garab ee “kala maanka
Itoobiya”. Amxaaradu waa qoladii dhisatay Imbaraadooriyadda
Abasiiniya inta kalena xoog ku muquunisay; halka Oromadu ugu weyn
tahay kuwa la qabsaday, la duudsiyay, lagana wiraynayay inay
xukunka u soo dhowaadaan. Wuxuu ahaa kacdoon ay kulmiso
diidmadu, kuse kala tagsan himilada mustaqbalka. Malaha
buunbuunin noqon mayso haddaan niraahno: Itoobiyada ay
mudaharaaddada Oromada iyo Amxaaradu naawilayeen isku mid ma
ahayn ee waa isku lid!
Si kastaba ha ahaatee, Dr Abiy Axmed Cali ayaa qabtay xilka
siyaasadeed ee ugu sarreeya Itoobiya, 02/4/2018 ayuu noqday
Ra`iisalwasaaraha dalka. Tanise, maxay ka dhigan tahay?
Hoggaamiye Dhafan
Abiy Axmed waa nin da` dhexaada oo dhashay 1976, wuxuu ka baxsan
yahay Xabashidii (Waa Amxaaro & Tigree) Orthodox-ka ahayd ee
dhistay Imbaraadooriyaddii Abasiiniya, inkastuu dhinacyo badan kaga
20
milan yahay. Dhinaca kalena waa wiilkii nidaamka talada hayay, ee
kama iman kacdoonkii mucaaradka nidaamka ku kacay!
Dr Abiy Axmed, isir ahaan waa Qowmiyadda Oromada, oo aan
weligeed awood ku yeelan xukunka Itoobiya; diin ahaan waa Kiristaan
Protestant, oo kuma arooro Kaniisadda Orthodox oo qarniyaal
lafdhabar u ahayd xukunka Itoobiya. Waxaa dhalay aabbe Axmed Cali,
oo Muslim ah, iyo hooyo Orthodox ah; xaaskiisuna waa Amxaaro
Protestant ah. Sidaas darteed, waa markii ugu horaysay ee uu madax
noqdo qof aan ahayn Xabashi Orthodox ah.
Abiy Axmed wuxuu ka mid ahaa xisbiga EPRDF ee Itoobiya xukumayay
taniyo 1991 ee laga gadooday taladooda la saluugay. Sannadkii 2008
iyo intii ka dambaysay xilal sare ayuu ka hayay xisbiga talada haya, iyo
xukuumadda Itoobiya iyo hay`adaheeda. Wuxuu ahaa sarkaal
sirdoonka milatariga ah, kana gaaray darajada Gaashaanle Dhexe
(Lieutenant Colonel). Dhinacan, Abiy Axmed waa wiilkii nidaamka
talada hayay.
Dr Abiy Axmed waa shakhsiyaddaa dhafan, labada dhinac ee is
hayaana mid kastaa sidiisa u tirsan karo ama aanaysan karo.
Gees Lo`aad Kulaylkaa lagu Gooyaa
Ra`iisalwasaarahan cusubi wuxuu qaaday tallaabooyin degdeg ah oo
uu kula falgelayo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha. Arrimo culus
ayuu go`aanno degdeg ah ku mareeyay; waa halkay Soomaalidu ku
maahmaahi jirtay “gees lo`aad kulaylkaa lagu gooyaa”!
Lixdii bilood ee ugu horeysseyba wuxuu qaaday tallaabooyin la taaban
karo. Wuxuu qaaday xaaladdii degdegga; wuxuu xabsiga ka sii daayay
in ka badan lix kun oo siyaasi; Juun 2018 waxaa liiska argagixisada laga
saaray ururradii mucaaridka ahaa, sida Ginbot 7, Jabhadda Xoraynta
Oromiya (OLF) iyo Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF);
21
iyana markiiba dalkay ku soo noqdeen. Wuxuu dib isugu
shaandheeyay xilalkii sarsare ee dalka, jagooyin muhiim ahaana
wuxuu u magacaabay xubno mucaarid ahaa. Dawladda Eritreya ayuu
u fidiyay heshiis nabadeed lama filaan ah (Waa tallaabo loo fasiran
karo inuu ku go`doominayo Tigreega!). Waa tallaabooyin soo jiitay
indhaha gudaha iyo dibaddaba, uuna ku mutaystay ammaan iyo
bogaadin iyo billado lagu sharfay. Wuxuu ku guulaystay billadda
nabadda adduunka ee “Nobel Peace Prize” ee sannadkii 2019. Waxaa
loo arkay “Mahdi” u soo baxay Itoobiya iyo Geeska Afrika!!
Raynrayntaa uguma socone waayahaa ka daba yimid, sannadkii u
dambeeyayba waxaa soo fuulay culaysyo is biirsaday. Waxaa albaabka
u soo fadhiistay arrimo culculus oo ka imanaya dalka iyo dibadda
labadaba. Waa arrimo furdaamintoodu uga baahan tahay xirrib iyo
xeelad dheeraad ah.
Isbeddelkani weli ma biyadhigin oo wuu socdaa; waxaase isweydiin
leh: muxuu ka dhigan yahay isbeddelkan curtay? Maxaase laga sugi
karaa?
22
5- Xaaladda Murugsan & Mustaqbalka Itoobiya
Abiy Axmed wuxuu dhaxlay Itoobiya maraysa marxalad kalaguur
xasaasiya, oo laga dhursugayo dhankay u dhaqaaqdo. Waxaa hor
yaalla arrimo murugsan & faylal culculus oo is biirsaday, loogana
fadhiyo inuu wax ka qabto e, bal aan yar taataabanno.
Wada Dhowridda Amniga & Xuquuqda Aadanaha
Muddadan dambe waxaa isa soo tarayay in Abiy Axmed lagu eedeeyo
ku tumashada xuquuqda aadanaha, dadweyne badan la xirxiro,
internetka la joojiyo xilliyada qaarkood. Waxaa la tilmaamaa in
inqilaabkii dhicisoobay Juun 2019 wixii ka dambeeyay inuu la soo
baxay gacan bira oo uu ku muquuniyo mucaaradka & saxaafadda;
waxaa soo kordhaya adeegsiga xeerka la dagaalanka argagixisada, iyo
siyaasiiinta mucaaradka oo lagu eedeeyo inay ku kaceen falal
argagixiso.
Dilkii heesaagii Hachalu Hundessa Juun 2020 wuxuu kiciyay
qulqulatooyin baahsan oo gilgilay Itoobiya. Waxaa ku dhintay dhowr
boqol oo qof, guutooyin kale ayaa dhaawac iyo xarig u dhexeeya!
Waxa hanti ku burburayna warkeedaba daa! Ilaha qaar waxay
sheegayaan in ilaa 9000 qof la xirxiray. Waxaa buuxsamay xabsiyadii
Gobolka Oromiya, sidaas darteed, waxaa la sheegayaa in dadka lagu
xiro goobo kale oo aan saldhig iyo xabsi midna ahayn, sida dugsiyadii
loo fasaxay Covid19! Dadka qaar waxay ku shabahaan in Gobolka
Oromiya ay ka dillaacday xaaladdii “Jeel Ogaadeen” oo kale.
Waxaasoo tacaddi ah waxaa loogu marmarsoodaa sugidda amniga.
Waxaase iyana garab yaal oo dhowrid u baahan dastuurka dalka iyo
xuquuqda qofka. Waa xaalad murugsan oo is waafajinta labadan
arrimood ay culayskeeda leedahay. Abiy Axmed baa looga fadhiyaa
inuu intaba wada dhowro, oo uu xuquuqda Aadanaha ilaaliyo
amnigana sugo!
23
Siyaasad Murugsan & Xisbiyo Qaabaysmaya
Garoonka siyaasadda waxaa ka soo bidhaamaya xisbiyo cusub,
jabhado hubaysnaa oo ku soo biiray loolanka siyaasadeed, xisbiyadii
hore oo barnaamijyadooda & hoggaankoodaba dib ugu sargoynaya
xaaladda taagan, isbahaysiyo qaabaysmaya iwm.
Isbahaysigii talada hayay ee EPRDF, oo jiray 31 sanno xukunkana
hayay 27 sanno, wuxuu Diisambar 2019 u xuubsiibtay xisbiga PP
(Prosperity Party) oo uu madax ka yahay Abiy Axmed. PP waa la
ballaariyay, waxaa lagu soo daray xisbiyadii EPRDF bahwadaagta la
ahaa, aanse xubnaha ka ahayn, ee Cafar (ANDP), Benishangul-Gumuz
(BGPDUF), Soomaali (SDP), Gambeela (GPDM) iyo Hereri (HNL).
Dhamaanba xisbiyadani waxay isku noqdeen oo u xuubsiibteen xisbiga
PP, iyaguna way is kala direen. Xisbigan cusub waxaa ka biyadiiday oo
aan ku biirin xisbiga Tigreega TPLF, waxaa kaloo saluugay xubno ka
tirsan xisbigii Oromada (ODP).
Waxaa samaysmaya isbahaysiyo mucaarad ah, xawligay ku socdeen
wuxuu is dhimay ka dib markii doorashadii qorshaysnayd Agoosto
2020 dib loogu dhigay 2021. Waxay ahayd in Agoosto 2020 ay
doorashooyin guud dalkoo dhan ka qabsoomaan, heer federal iyo
heer dawlad-deegaan labadaba; laakiin dawladdu waxay qaadatay
go`aan ay dib ugu dhigayso dhammaanba doorashooyinkaa, iyadoo ku
sababaysay safmarka COVID-19, hay`adaha hadda joogaana ay xilka sii
hayaan. Tallaabadan waxaa ka soo horjeestay xisbiyada mucaaradka,
oo ay ugu cod dheerayd jabhada TPLF. Dawlad deegaanka Tigreegu
way diiday dibudhigidda doorashada iyo kordhinta muddo xileedka
Hay`adaha Federaalka.
Xisbiyada mucaaradka ee qowmiyadaha waaweyn waxaa ku sii
xoogaysanaya fikir ah inay yeeshaan dal u gaar ah oo Itoobiya ka
go`aan. Waxaa ka mid ah Xisbiga “Tigray Independence Party” (TIP)
isagu wuu cadaystay inuu rabo Tigray dawlad gaara noqota.
24
Xaalad Dhaqaale Adag
Waxaa taagan dhibaato dhaqaale oo qof kasta taabanaysa. Shaqo
la`aan baahsan, qalalaasaha siyaasadeed iyo qulqulatooyinka amni oo
dhaqaalaha sii dhaawacaya, handaraabka ka dhashay safmarka
Covid19 ee dunida simay, culayska dhaqaale ee ka dhalan kara hanaan
dhaqaale ahaa “bidix – left”, oo Itoobiya ku socotay laga soo bilaabo
Xukunkii Dergiga, oo u guuraya furfurnaan “liberal” suuqa xorta ahi
hagayo. Dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxaa kordhay tirada
barakacayasha dalka gudihiisa, oo ka dhashay iskudhacyada isirrada
kala duwan iyo abaaraha. Ayaxa & koronkorrada soo noqnoqday
waxay dhaawac u gaysteen dalaggii beeraha labadii sanno ee u
dambeeyay. Ayaxa waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa aafadii ugu
darnayd ee Itoobiya ku habsata rubuc qarnigii u dambeeyay.
Mustaqbalka Itoobiya & Qodob 39
Itoobiyada maantu waa quruumo xoog ay ku qabsatay
Imbaraadooriyaddii Abasiiniya. Mar alla markay jujuubta iyo
cabburinta ka baxaan oo xorriyad iyo awood helaan, waxay halis ugu
jiraan in mid walba dalkiisa gaarka ah yagleesho. Tani waa xaalad
aalaaba ku dhacda imbaraadooriyadaha quruumaha kala duwan ee
qasab & gacan bir ah lagu hayay. Waxaa tusaale u ah Midowgii
Soofiyeeti (USSR), cabudhin waa lagu hayn kari waayay awood kasta
oo la adeegsadayba, wayna badbaadin waayeen siyaasadihii
furfurnaanta “perestroika” ee uu waday Mikhail Gorbachev
dabayaaqadii 1980aadkii. Waxay danta iyo tabartuba Midowgii
Soofiyeeti yeelsiiyeen inuu 15 dal u kala furfurmo 1991, quruumihii
xoogga lagu hayay mid kastaa waxay ku dhawaaqday
jamhuuriyaddeeda gaarka ah. Midowgii Soofiyeeti wuxuu ku soo
ururay Ruushkii xoogga ku muquuninaysay. Waxaa isna waddadaa
maray dalkii Yugoslaafiya oo toddoba dawladood u kala furfurmay
sannadkii 1992. Seerbiyaankii muquunin jiray wuu isku hayn kari
waayay xoog kastuu adeegsaday iyo dhiig kastuu daadiyayba.
25
Aan u fiirsanno dilkii heesaagii Oromada ahaa Hachalu Hundessa
29/6/2020 iyo gadoodkii ka dhashay, ee gilgilay Itoobiya, kuna baahay
jaaliyadaha Yurub iyo Maraykanka. Xusuustu waxay toos u abbaartay
larkii gaamuray. Waxaa la beegsaday taalladii Ras Makonnen Wolde
Mikael [Boqor Xayle Salaase aabbihii] oo magaalada Harar ka
taagnayd, taalladii Minilik (Addis Ababa) iyo taalladii Haile Selasse
(London). Adduunyadu waa ta noqotay tuulada yare, beegsiga
taallooyinkani wuxuu la saansaan yahay mudaharaaddada ka dhacay
Maraykanka iyo Ingiriiska Meey & Juun 2020 ee lagu burburiyay
taallooyinkii ku aroorayay adoonsiga dadka madow.
Gobolka Tigray isagu wuxuu noqday “budo gaar u tuman”, kuna gacan
sayray talada dawladda Federaalka. Waxay qabsadeen doorasho u
gaar ah 9/9/2020, Dawladda Federaalkuna waxay ku tilmaantay
doorasho sharcidarro ah natiijadeedana ayna aqbalayn inkastoo ayna
awood milatari adeegsanayn. Waxaa loo arki karaa in tani ka mid
tahay tallaabooyin dawlad deegaanka Tigray u sii dhowaynaya, ama u
gogolxaaraya, inay yagleelato dal u gaara, iyagoo adeegsanaya
dastuurka qodobka 39. Waayaha ku xeeran awgeed, waxaa loo badin
karaa Tigreegu inayna halkaa fog arrinka gaarsiin, waase haddayna sii
eryin farsamo xumo iyo awood roorsi Addis Ababa ka soo kordhaa.
Go`aannada la kala qaatay awgeed, waxaa la fili karaa in bisha
Oktoobar iyo bilaha xiga uu sii cakirmo xiriirka u dhexeeya Addis
Ababa iyo Tigreegu, ka dib marka uu dhammaado muddo-xileedka
laysku ogaa ee hay`adaha Federaalka, oo uu ugu horreeyo
Ra`iisalwasaaraha iyo baarlamaanka, oo ku eg 05/10/2020. Xaaladdu
waxay u socotaa “middi middi ku taag”. Tigreegu way ku gacan
saydheen dibudhigidda doorashada iyo kordhinta muddo xileedka
Hay`adaha Federaalka; halka Hay`adaha Federaalkuna diideen
doorashada Dawlad-Deegaanka Tigreegu iskeed u samaysatay iyo
natiijada ka soo baxday. Dhinacba dhinaca kale sharciyaddiisa ayuu ka
biyadiidsan yahay. Waxaa bilowday go`aanno is diidan inay ka soo
26
fulaan maamullada Mekelle iyo Addis Ababa. Waxaa soo oodmaya
wada shaqayntii labada dhinac u dhexaysay.
Tabari meel ay gaysaba, Amxaaradu waxay ku maqan tahay siday u
soo ceshan lahayd “Itoobiyadii ay dhisatay”, una kordhin lahaayeen
awoodda dawladda dhexe (inkastoo ra`yigaa lidkiisana laga helo),
iyagaana lagu tuhmay inqilaabkii fashilmay 22/6/2019. Abiy Axmed
waxaa lagu tuhmayaa inay Amxaarada isu sii dhowaanayaan.
Dawlad deegaanka Oroomiya weli way qasan tahay, Galbeedkeeda
kacdoonno hubaysan ayaa ka socda, wararka qaar waxay sheegayaan
in garab ka go`ay Jabhadda OLF ay dawladdu diyaarado u adeegsatay
Janaayo 2019. Abiy wuu sii luminayaa taageerada dadweynaha
Oromada, waxaa ku sii xoogaysanaya mucaaradka. Waxay u
muuqataa inay Abay ka go`an tahay inuu Oromada muruq iyo qori
caaradii ku muquuniyo; siday ugu suurtagelise mooyi!
Qowmiyadaha kale, oo Soomaalidu ka mid tahay, waxaa ku goobtay
wisiisi iyo walaahoow, wayse ka badin la`yihiin inay xaaladda dusha
kala socdaan, ayna marba u liicaan dhankay dabayshu u dhacayso.
Waxaa jira cabsi isa soo taraysa oo laga qabo in Abiy Axmed isku dayo
inuu dhimo awoodda dastuureed ee kilillada, gaar ahaan awoodda
aayo-ka-talinta ee uu qeexayo qodobka 39 ee dastuurka 1995, oo u
danaynaya shucuubtii xoogga ay ku qabsatay Amxaaradu; taa
beddelkeedana uu xoojiyo awoodda dawladda dhexe. Inay
le`ekaadaanba, waxaa jira codad u suuldhabaalaynaya in Itoobiya loo
celiyo dawlad dhexe oo awood badan.
Dhinaca dibadda, Shantii qarni ee u dambeeyay, markay Abasiiniya la
soo gudboonaato xaalad “qirinqiir” ama “critical” ah, waxaa u soo
gurman jiray Reer Galbeedka, waxay u fidin jireen gacan aan iyagana
ku cuslayn Itoobiyana wax weyn u tari jirtay. Kolayba Maraykan iyo
Yurub ma doorbidayaan in Itoobiya ay kala furfuranto. Su`aashuse
27
waxay tahay dadaal intee le`eg ayay ka gaysan doonaan sidii ay
Itoobiya uga baajin lahaayeen inay kala furfuranto. Itoobiya xilligan
maxay ka fili kartaa Maraykan iska sii casilaya hoggaamintii dunida iyo
Yurub teeda ku mashquulsan? Haddaan odoroska ku fogaanno,
Ruushka laftiisa waa in tirada lagu daraa, gaar ahaan haddii xaaladdu
sii murugto, oo dawlad deegaan ku dhawaaqdo jamhuuriyad gaar ah;
oo/amaba gacan-ka-hadal millatari ka dhex qarxo dawladda
Federaalka iyo dawlad deegaan kale.11 Markaa waxaa Ruushka laga fili
karaa inuu u soo birmado dawladdaa cusub, si uu lugta u soo dhigo,
boosna uga helo, Gobolka Geeska Afrika ee “istaraatiijiga ah”. Waa
mid shabbahda siduu ka yeelay Suuriya iyo Liibiya. Waa tallaabo
xaaladda sii murginaysa, dabka hurayayna bansiin ku sii shubaysa.
Isku soo duuboo, Abiy Axmed ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto
faylashaa is diidan, is waafajintooduna ay culus tahay aanse la hurayn!
Faylashan waxaa ugu muuqda kuwan: (1) midnimada dalka oo uu isku
sii hayo, (2) furfurnaan iyo dibuhabayn siyaasadeed, (3) nabadgelyada
& xuquuqda Aadanaha oo la wada dhowro, iyo (4) horumar dhaqaale
oo busaaradda iyo shaqo la`aanta lagaga raysto. Su`aashu waxay ka
taagan tahay siduu hawlahaa isku mar u wada furdaamin lahaa, una
kala furdaamin lahaa, iyo weliba inuu dhaadsan yahay iyo in kale!
11 Marka la akhriyo xaalka taagan iyo cududda milatari, cidda kaalin noocan ah laga
filan karaa waa Tigreega. Hase yeeshee, tallaabo noocan ah waxaan
dhiirrigelinayn goobta juqraafi ee Killilka Tigreegu dhaco, oo ah Waqooyiga fog
ee Itoobiya oo aan bad lahayn, iyo waayaha ay Koonfurta Suudaan ku sugan
tahay gooni-isu-taaggeedii ka dib.
28
6- Gabaggabo
Qoraalkan kooban wuxuu iftiiminayaa taariikhda Itoobiya 1855-2020,
waa 165 sanno. Wuxuu falanqaynayaa Imbaradooriyadda
Abasiiniyada cusub oo ay tacabkeeda dhexda u xidheen saddexdii
boqor ee Tewdoros II, Minilik II & Haile Sellassie I. Hawl socotay 120
sanno ayaa lagu unkay, ballaadhiyay, dhidibbadana loogu taagay
Abasiiniyada Cusub.
Waxaa garab socday mawjado diidmo iyo isbeddeldoon ah, oo
daarranaa ka dhiidhiyidda iyo furfuridda imbaraadooriyaddan ku
habsatay, iyo xaqiijinta himilooyinka shucuubtii la duudsiyay. Waxaa
ka dhashay saddex isbeddel oo iska daba yimid nus qarnigii u
dambeeyay. Isbeddelka 1974 wuxuu tirtiray hannaankii
boqortooyada, kana dhigay jamhuuriyad dadweynuhu leeyahay.
Isbeddelka 1991 wuxuu dhidibbada u taagay dal federaal ah oo ay
wada leeyihiin quruumo iyo dawlado dastuur ku wada jooga.
Isbeddelkan saddexaad ee 2018 waxaa laga dhursugayaa dhawridda
midhahaa hore; iyo inuu ku dul dhiso, waxna ku kordhiyo, ee aanu
biilan keliya ama isku dayin inuu cajaladda dib u celiyo!!
Isbeddelkan 3aad weli wuu socdaa oo ma biyadhigin. Waxaa taagan
xaalad murugsan, oddoroska mustaqbalkeeduna aanu sahlanayn.
Waxaa lagu kala safanayaa aragtiyo is diidan siina kala fogaanaya.
Bilaha soo socda waxaa la filayaa dhacdooyin iyo go`aanno saamayn
muuqata ku yeesha mustaqbalka Itoobiya. Waa marxalad lagu
tilmaami karo “fool” wadata yididdiiladeeda, xanuunkeeda iyo
khatarteeda intaba. Baciid maaha in Itoobiya marto waddadii
Yuguslaafiya ay ku kala furfurantay sannadkii 1992, dhiig badanna ku
daatay; waa xaaladda ku caan baxday “Balkanization”; sidoo kale
baciid maaha in Itoobiya jiirtan ka gudubto iyadoo is wadata siday
xilliyadii hore ee adkaaba uga soo gudubtay!
Dhammaad