Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo  Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame  ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Guddiyadii gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo natiijadii La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan,wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshan baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay.

Ugu dambeyntii,  waxaa la go’aamiyey in la fadhiisiyo Golaha Wakiilllada si loo soo geba-gebeeyo hawlaha  qabyada ka ah Golaha Kalfadhiga 50-aad, sidaas daraadeed waxaa la isla qaatay in  maalinta Isniinta ee 26 Sep, 2022 uu Goluhu dib u fadhiisto haddii Alle Idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.