Home Afsomali Waan waan laga dhex bilaabay labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay Shabeellaha...

Waan waan laga dhex bilaabay labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

Waxaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilaawday  shir lagu xalinaayo beelihii dhawaan dagaalada ay ku dhex-mareen degaano hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Saraakiisha Guutada 4aad ee Ciidanka ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Kulanka goobjoog ka ah, iyaga oo ka ariinsanaya sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laab laabtay.

Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle o kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga goobtii lagu dagaalamay, balse Odayaasha dhaqanka labada dhinac looga baahan yahay inay xal ka gaaraan.

Dagaalkii dhawaan labada maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux, waxaana dhawaan la kala dhex-dhigay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.