Home Afsomali Baafin waxaa la la.yahay meeluu cirib iyo jaandhigay Afhayeenkii Madaxtooyada Mudane …

Baafin waxaa la la.yahay meeluu cirib iyo jaandhigay Afhayeenkii Madaxtooyada Mudane …

Baafin Tolku waxey si wada jir ah u baafinayaan af-hayeenka madaxweynaha mudane Cabdikariin Cali Kaar, oo markii ugu war dambeysay raaligelin ka bixinayay hadallo uu jeediyay ku saabnaa kulankii madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Masar.

Waxaa xusid mudan iney jirtay kalmad caanbaxday dowladdii hore oo aheyd ‘LA-GUDDOOMIYE’ oo tibaaxeysay in mas’uul meel ku magacaaban oo guddoomiye ka ah , ay howshii loo igmaday, la guddoominayeen rag ama qof kale oo aan xilka ku magacowneyn balse howsha la wada mas’uulka ku magacaaban amaba mararka qaar ugaba awood badan. Maalmihii la soo dhaafay ayey dad badani is weydiinayeen wax aamusiyay Af-hayeenka?

Anigu kolley ma ogi in ‘LA AF-HAYEEN’ kale uu sameysmay iyo in cillad kale jirto, waxaase muuqata in Af-hayeenki YAMTA ku aruuray. Fadlan haddaad adigu ogtahay, nala wadaag.

FG: Baafinta mas’uuliyiinta aan muuqan sida Rooxaanta camal, wey socon doonta.
Indhaha Maroodiga
~ Aw Cismaan

We suldaanka ceelbuur

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.