https://youtu.be/dQRi1FF3iWE
https://youtu.be/qH71i9LrV9s
https://youtu.be/9H1oIL02WOs
Ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ATMIS ayaa duqeymo culus la beegsaday Degaano u dhow Degaanka Jiciboow oo qiyaastii 25km dinaca waqooyi kaxiga degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Xubno tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan ciidanka DANAB & kuwa Jabuuti ay ku qaadeen degaannada u dhow degaanka jicibooy ayaa waxaa hoggaaminayay taliye kuxigeenka Ciidanka DANAB & Saraakiil kale, waxaana goobaha la duqeeyay sidoo kale kamid ah degaanka Beero-yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Lama oga khasaaraha ka dhashay rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas, waxaana degaannada la duqeeyay kuyaalla dhul buuraley ah oo la sheegay inay isku aruursadeen Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada buulo-Burde ayaa sheegay in duqeymahaan looga gol leeyahay sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab loogana saari lahaa dhammaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.
Bartamihii todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo gara siinaya dadka degaanka ay kula dagaalameen Al-Shabaab degaannada Jiciboow Beero-yabaal, iyada oo dagaaladaas labada dhinac guulo ka kala sheegteen.