Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Salah Jamaayaa maanta daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Salah Jamaayaa maanta daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda Tayo-

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane SSalah Jamaayaa maanta daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo masuul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyadda iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo tilmaamay ahmiyadda badqabka badeecooyinka ay u leeyihiin caafimaadka bulshada iyo deegaanka, ayaa kula dardaarmay madaxda hay’adda in la ballaariyo xafiisyadooda, lana gaarsiiyo dalka oo dhan, si loo hubiyo alaabooyinka dalka soo galaya in ay yihiin kuwa munaasib ku ah in bulshada laga iibiyo.
Shirka ayaa looga hadli doonaa mudada labada casho ee uu socdo hannaanka tayo dhawrka Qaranka, caqabadaha ku gadaaman iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa hannaan mideysan oo lagu maamuli karo tayo dhawrka dalkeena, loona gaarsiin lahaa maamul Goballeedyada Dalka.
+4
30
Like

Comment
Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.