Home Afsomali Magacyada & Sawirada Burcad dhac geysatay oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Magacyada & Sawirada Burcad dhac geysatay oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen  dhalinyaro ay sheegeen in lagu soo qabtay falal dhac toos ah iyo wax dafid 48kii saac ee u dambeeyay.

Dhalinyaradaan oo gaaraya ilaa 5 ayaa Maamulka degmada Wadajir uu soo bandhigay Magacyadooda iyo Sawiradooda, waxaana lagu kala Magacaabaa.

1. Cabdulqaadir Cabdullaahi Maxamed (Shiikheey)
2. Maxamed Cali Cumar (Jinijini)
3. Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)
4. Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)
5. Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)

Sidoo kale maamulka degmada ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnahan magacyadooda hoos ku xusan, kuwaas oo ay sheegeen inay iyana kamid yihiin Dhalinyarada Burcadda ah.

1. Booroow
2. Timacade
3. Naa’Ifow

In kastoo bilihii bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada dhaca iyo dhibaatada ku haayay Shacabka Muqdisho ayaa hadana degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir habeenada qaar ay ka dhacaan falalka dhaca iyo dhibaatooyinka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.