Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan si uu ugu sii gudbo dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Khartuum kula kulmay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga la xiriira dhanka amniga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka  lagu ciribtirayo Al-Shabaab uu ka qeyb-galayo  Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda dalka Aljeeriya uga qeyb galeyso Shir madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta.

Wararka ay Risaala heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu uga sii gudbi doono markii uu dalka Aljeeria uga qeyb galo shirka dalka Masar, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.