Home Afsomali Soomaali Magangalyo doon aheyd oo dib loogu celinayo wadankooda Maalmaha so...

Soomaali Magangalyo doon aheyd oo dib loogu celinayo wadankooda Maalmaha so socda

Dayuurad kale oo ay saran yihiin dhilinyaro rag iyo haween Soomaali si qasab ah looga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ayaa ku soo wajahan gudaha Soomaaliya malmaha soo socda.

Dayuuradaan oo ay saran yihiin ilaa 80 qof oowada dhalinyaro Soomaali ah oo kuwaas oo habsiyada dalka mareykanka ku xirnaa in ka badan laba sanadood magaalooyinka wadanka Maraykanka.

Nuur Maxamed maxamuud iyo somalisan la hadlay isaa ooku jira qeybta tarxiilka  xabsi ku yaal garoonka Maxaabiitii hore laga musaafuriyay ayaa sheegay in loo diyaariyey bixitaan jajauub ah    xaalkuna uu yahay mid faraha ka baxay .

“xabsigaan aan ku jiro ayaa lagu diyaariyaa dadka la musaafurinayo waxaana igula jira hada ku dhawaad 80  soomali ah kuwaas oo laga kala keenay xabsiyada ku yaal kalkaan waxaana ka mid ah 5 gabdhood oo iyana xirnaa mudo laba sano ka badan ayuu hadalkiisa ku daray Nuur dheere oo wareysi siinayey somalisan

Nuur Dheere ayaa tibaaxay in la sii daayey dalal badan oo African ah ka dib markii safaaradahoodii ay sheegeen in aysan heynin dal xasiloon oo ay ku celiyaan halka safaarada soomaaliyeed ragii joogay ay lacago ku qaateen celinta dhalinyarada soomaaliyeed ee tahriibka ku gashay dalka mareykanka .

Nuur Maxamed ayaa mudo laba sananadood ah ku u xirnaan sharci daro uu ku galay dalkaasi oo ay ku qaadatay sii scoshadiisii ku dhawaad 2  sanandood oo uu sii ramay dalal badan iyo qaarado isaga oo sheegay in uu u may tagitaanka dalka mareykanka dhibaatooyin badan iyo halisoyo uu kala kulmayey xaduudaha wadamada uu sii jibaaxayey intii uu ku jiray safarka biimeynta ah

Soomaalidan ayaa ka mid ah dadka  ka cararay duruufaha nololeed iyo amni xumada ka jirta dalkooda waxaa lagu eedeeyey iney qaab tahriib ah ku galeen dalka Maraykanka, iyagoo siyaabo kala duwan uga gudbay xadka uu lawadaago Maraykanka  dalalaka la jaarka ah .

Dhalinyaradii kuwaan ka horeeyey ee lga masaafuriyey Maraykanka ayaa waxa la socday ciidamo Maraykan ah oo ilaalo ka ahaa dhalinyaradan Soomaalida ee dalkooda lagu soo celinayo.

Soomaalida tahriibka ku gashay ayaa loo diidey in loo aqoonsado qaxootinimo, waxaana qaarkood si qasab ah looga saxiixay waraaqaha dib loogu celiyo wadankooda loo mar kii hore loo sheegay in la sii daynayo.

Dhalinyaradasi waxay cabasho ka muujinayaan in safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykaka ay wax ka ogtahay in dib u celin lagu sameeyo, iyagoo xusay in qarash badan iyo rafaad ay ka soo mareen sidii u gaari lahaayeen dalka Maraykanka.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.