Home Afsomali Mid ka mid ah rag uu Mareykanku ku sheegay iney hubka iyo...

Mid ka mid ah rag uu Mareykanku ku sheegay iney hubka iyo qaraxyada soo geliyaan Soomaaliya oo hadlay

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa Taladaadii soo saartay liiska dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay hubka soo geliyaan Soomaaliya, kuwaasoo lagu soo rogay cunaqabateyn.

Ragga magacyadooda ay ka muuqdaan liiska uu soo bandhigay Mareykanka waxaa ugu horreeya Liibaan Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay in uu horay u ahaan jiray sarkaal sare oo Amniyaadka Al-Shabaab kala shaqeyn jiray fududeynta afduubyada.

Maraykanka ayaa sheegay in Liibaan uu ka tirsanaan jiray Amniyaadka Al-Shabaab, hadda se uu yahay ganacsade si rasmi ah ugu shaqeeya ururka Daacish ee Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay in shirkaddiisa Liibaan General Trading Co uu lacago u marsiiyay ururkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Liibaan uu ka mid yahay kooxaha sida sharci darrada ah hubka ku soo geliya dalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa u haysta inuu taageero muuqata u fidiyay ururka Daacish ee Soomaaliya.

Hase yeeshee Liibaan Maxamed ayaa wareysi uu maanta siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da uga jawaabay eedeymaha loo jeediyay isaga iyo shirkaddiisa, wuxuuna sheegay in uu aad ula yaabay markii uu soo gaaray warkaas, isla markaana isagu u yahay Nin Ganacsade ah.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warkii kasoo baxay dowladda Mareykanka, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu meel kasta ugu tago dowladda Mareykanka, uuna qabsanayo abuukaate si kiiska lagu soo eedeeyay uu uga dacwa baxo.

Liibaan Maxamed sidoo kale wuxuu sheegay inĀ  waligiis uusan ka Ganacsan hub iyo Maraakiib intaba, isla markaana warka kasoo baxay dowladda Mareykanka laga rabo inay cadeyn u keenaan, isagana uu diyaar u yahay in uu ka garbaxo.

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Mareykanka ayaa 17-kii bishii October shaaciyay magacyada rag Soomaali ah oo uu ku daray liiska argagixisada, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay Al-Shabaab ka caawiyaan dhinaca dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.