Home Afsomali Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda oo ay hoggaaminayaan Xildhibaannaa kala ah Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale ayaa Maanta Al-Shabaab  kala wareegay degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib howlgallo xoogan oo ay fuliyeen.

Degaannada ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ay kala yihiin , Xagareey, Guulane, Maxaa Saciid, Nuur Dugle iyo Cad cadeey oo dhammaantood u dow degmada Aadan-yabaal oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’ud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ku dhow yihiin degmada Aadan-yabaal oo ah fariisinka ugu weyn Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda oo ay hoggaaminayaan Ciidamada dowladda oo ay hoggaaminayaan Xildhibaannaa kala ah Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale waxaa ay wadeen howlgallo xoogan, iyaga oo la wareegay tuulooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.