Home Afsomali Dil ka dhacay degaan katirsan gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Dil ka dhacay degaan katirsan gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Wararka naga soo gaaraya degaanka Bali-Cad oo ku yaalla inta u dhaxeeysa Dhabad iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi Maanta lagu dilay qof Shacab ah oo kamid ahaa dadka degaanka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay somalisan u sheeeen in maleeshiyaad hubeysan ay degaanka Bali-Cad kudileen Nin Xoolo dhaqato ah oo lagu Magacaabi jiray Xaashi Warsame Daameey, kadibna ay goobta ka baxsadeen, waxaana degaanka ka taagan xiisad ka dhalatay dilka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilakana uu la xiriiro aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka ka taagnaa degaanka Bali-Cad ee Gobolka Galgaduud, iyada oo ay xusid mudan tahay in Maalin ka hor ay ahayd markii sidaan oo kale labo nin loogu dilay deegaankas.

Maamulka Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka qofka Shacabka ah, iyada oo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ay kusoo bateen degaannada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.