Home Afsomali Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay

Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ee Puntland  Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa safar ku gaaray degaannada Teerage iyo Bali-qurun oo hoostaga Degmada Gaalkacyo.

Deegaanadaan ayaa waxaa isku hor fadhiyey laba Beelood, kuwaas oo isku hayey Deegaamaynta dhul udhaxeeyey labada degaan, iyaga oo dhowr jeer wada dagaalamay.

Waftiga uu hoggaaminayo Guddoomiye  Faysal ayaa kulamo ay la qaatay Nabadoonada iyo Bulshada labada degaan ee Teerage iyo Bali-qurun ku guulaystay in ay kala qaadaan Ciidamo Beeleedyo halkaa isku hor fadhiyey iyadoona la go’aamiyey in ay qayb ka noqon doonaan Shirka Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug oo gogoshiisu hadda ka furantahay Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Maamulka uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa dhowr jeer ku guuleystay inay xaliyaan laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay, iyada oo hadda ay socdaan shirar lagu dhex dhexaadinayo beelo dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.